Khamiis, Oktoobar 27, 2011 (HOL) — Urur Siyaasadeed Cusub oo loo bixiyey SSC, ayaa maanta magaalada Hargeysa lagaga dhowaaqay, kaas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin iyo dad aad u farobadan.
Xaflad balaadhan oo lagu soo bandhigayey urur siyaasadeedkan cusub ayaa lagu qabtay Hotel Kaah ee Magaaladda Hargeysa, waxana ka soo Qayb galay qaar ka mid ah wasiirada Somaliland, Xildhibaano, Siyaasyiin Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo Marti Sharaf kale.
Gudoomiyaha ururkan cusub ee SSC Md: Kayse Cabdi Yuusuf ayaa sharaxaad kooban ka bixiyey sababta loo aasaayey ururkan, waxaanu sheegay inuu ururkani ka mid yahay ururada siyaasadeed ee somalialnd lagaga dhowaaqay.
Kayse Cabdi Yuusuf waxa uu sheegay inuu ka qaybgali doono doorashooyinka Somaliland ee soo socda, isla markaana bulshada Somaliland ka rajayey inay codka siin doonaan.
"Shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan dibad iyo gudo waxaan ka codsanayaa inay taageeraan"ayuu yidhi, waxa kale oo intaas ku daray "ururkani waxa uu ka mid yahay ururada Somaliland lagaga dhowaaqay, waxaanu ka qaybgali doonaa doorashooyinka soo socda haddii alla yidhaahdo" ayuu yidhi Kayse.
Md. Kayse Cabdi Yuusuf waxa uu ku Booriyaya Dhamaan Shacbiga Gobolka Sool in loo baahan yahay in ay ka wadda Qayb Qaataan habkii ay u taageeri lahaayeen Urur Siyaasadeedkan Cusub Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay madax badan iyo aqoonyahano kuwaas oo taageeray ururkan cusub.
Kayse Cabdi Yuusuf ayaa hore waxa uu ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ururka SSC ee ka dagaalama gobolada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo dagaalo ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ururka SSC.
Haseyeeshee, waxa uu markii dambe ka mid noqday koox saraakiil ah oo ogolaaday wadda hadalkii uu Madaxweynaha Somaliland ku dhowaaqay, waxaanu kulamo badan la sameeyey madaxda sarsare ee Somaliland.
Waxaanu muddooyinkii dambe iskaga dabqaadayey deegaanada Sool, Hargeysa, isagoo waanwaan ka dhex galay khilaafkii cakirnaa ee ururkaasi iyo Somaliland ka dhex jiray.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland