Khamiis, Oktoobar 27, 2011 (HOL) � Waxaan halkan idin kugu soo gudbinayaa maanta dhowr qodob oo ka tarjumeysa mowqifka dowladda KMG ah Soomaaliyeed ee ku aadan xaaladda dhabta ah ee ka jirta qaar ka mid ah gobolada Konfureed ee dalka.
- Waxaa nasiib-darro ah warar kasoo baxay saxaafadda qaarkeed inay si khaldan u tarjumeen; cabir xuna ka bixiyeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolada Konfureed ee dalka Soomaaliya.
- Wararka sheegaya in dowladdu qabto mowqif kasoo horjeeda dadaalka Kenya; waa been abuur ka fog xaqiiqda dhabta ah.
- Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay wadajir u soo saareen war murtiyeed (Communiqu�) bishan Oktoobar 18-keedii, kaasoo lagu saxiixay Muqdisho.
- Dowladda Soomaaliya waxay mar kale ku celisay, inay ku taagan tahay kana leexanayn is afgaradkii toddobaadka ka hor ay la gashay dalka aynu walaalaha nahay ee Kenya.
- Ujeedada qoraalkii shalay waxay ahayd in meesha laga saaro wixii mad-madow ah ee soo dhex-galay is-afgaradkii Oktoobar 18-keedii. Waxaan soo saarnay bayaan taageeraya, isla markaana xoojinayana is-afgaradkii hore. Nasiib-darro, waxaa dhacday in saxaafadda qaarkeed ay si khaldan uga tarjumeen.
- Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay leeyihiin mowqif mideysan oo ku aadan la dagaalanka kooxda Al-shabab.
- Waxaan hoosta ka xariiqnay in labada dal ay iska kaashadaan ka hortagga colaadaha ay wadaan kooxaha argagixisada ah.
- Dowladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa dagaalka ku wajahan Al-shabab; taageero loo fidyay shacabka Soomaaliyeed, waxna ka taraysa xoojinta amniga Soomaaliya, amniga Kenya iyo aminga geeska Afrikaba.
- Dowladda Soomaaliya waxay amaan u jeedinaysaa ciidamada Soomaaliyeed ee horseedka ka ah dagaalka lagula jiro Al-shabab; si ay uga xoreyaan gobolada ay xoogga ku haystaan, gacantana ugu soo celiyaan shacabka Soomaaliyeed.
- Dowladda Soomaaliyeed waxay soo dhoweynaysaa taageerada beesha caalamka, IGAD iyo ciidamada AMISOM.
Xafiska Ra'iisul Wasaraha Somalia
Muqdisho, Soomaaliya