5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2011
Maamul Goboleed cusub oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay looga dhawaaqay maamul goboleed loogu magacdaray CAWL, iyadoo munaasabaddii ku dhawaaqitaanka maamul goboleedkan oo ka dhacday hoteelka Ambbasador ee Muqdisho ay kasoo qaybgaleen xildhibaanno, odayaal-dhaqameedyo iyo dadweyne kale.

Maamul goboleedkan ayaa la sheegay inay magaalo madaxdiisu noqonayso degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, waxaana sidoo kale sheegay in dekeddiisu ay noqon doonto deegaanka Cigo, halka garoonkiisa diyaaradaha uu noqonayo Ceel-baraf oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

Maamul goboleedka CAWL ayaa wuxuu ka kooban yahay shan degmo oo kala ah: Galcad, Masaga-waa, Budbud, Cigo iyo Ceel-baraf, wuxuuna ku yaalla inta u dhexeysa gobollada Shabeellada dhexe, Hiiraan iyo Galguduud, iyadoo uu ka warbixiyay aasaaskiisa Sheekh Ibraahim Taajir (Sheekh Ibraahim Yare) oo guddoomiye u ah guddiga qabanqaabada maamulkan, isagoo ku dheeraaday taariikhda maamulkan iyo deegannada uu ku fadhiyo.

"Deegaannada uu ku fadhiyo maamul goboleedkan cusub, waxaa kasoo jeeda saddexdii xubnood ee beesha Hawiye ugu jirtay ururkii SYL, waana deegaanka leh taariikh dheer," ayuu yiri Sheekh Ibraahim Yare oo sharraxayay deegaannada uu maamul goboleedka CAWL uu kulminayo.

Sheekh Ibraahim Yare, wuxuu sidoo kale sheegay in gobolkan uu yahay mid ay u dhan yihiin dhammaan waxyaabaha looga baahan yahay maamul goboleed, sidoo kaelna uu leeyahay isbitaal weyn iyo xarumaha maamulka dowladeed.

"Bulshada ku nool gobolka CAWL ayaa iska leh go'aanka dhismaha maamul goboleedkan," ayuu yiri Sheekh Ibraahim oo u mahadceliyay dhammaan madaxdii iyo xubnihii kasoo qaybgalay munaasadda lagu magacaabay maamul goboleedkan.

Xubnihii kale ee xafladda magaacaabidda maamul goboleedka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay iyagoo ku tilmaamay mid ka mid ah noqonaya maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya, iyagoo kula dardaarmay mas'uuliyiinta maamul goboleedkan inay ku maamulaan diinta Islaamka.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan State Maxamuud Cabdi Gaab oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in maamul ahaan ay garab taagan yihiin CAWL oo ah maamul goboleedkii shalay lagu dhawaaqay, isla markaana ay la sameysanayaan xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyneed.

Xubnihii ka hadlay dhismaha maamul goboleedka CAWL ayaa waxaa ka mid ahaa: Sheekh Muuse Macallin Axmed (Sh. Muuse Caga-weyne), xildhibaan Salaad Cali Jeelle, xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan, xildhibaan Maxamuud Geeddi Aw-Hilowle, xildhibaan Maxamuud Axmed Xeyd, Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare, Sheekh C/qaadir Soomow, waxayna dhammaantood sheegeen in maamul goboleedkan cusub uu mudan yahay in la garab-istaago maadaama uu kulansaday waxyaabihii looga baahnaa maamul goboleedyada dalka.

Maamul goboleedkan cusub ayaa ka mid noqonaya maamul goboleedyada kusoo kordhaya dalka Soomaaliya, waxaana sababta ay u badanayaan lagu sheegay inay tahay iyadoo dalka Soomaaliya uu u socdo mid ku dhaqamaya nidaamka federaalka ama goboleysiga.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya