Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka warbixisay dagaallo ay xalay la galeen ciidamada DKMG ah iyo AMISOM

Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) Xarrakada Mujaahiinta Al-shabaab ayaa maanta ka warbixisay weerarro ay xalay ku qaadday fariisimo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kaga sugnaayeen degmooyin dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xoogagoodu ay xalay la wareegeen saldhigyo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah.

"Xalay waxaan weerarro saf-ballaaran ah ku qaadnay fariimo ay kaga sugnaayeen degmooyinka Muqdisho qaarkood ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM laga soo billlaabo dekedda duqda ah illaa deegaanka Xoosh," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaan ka hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka, balse wuxuu sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kaga dileen dagaalladii xalay askar badan.

"Ciidamo badan ayaan ku dilnay dagaalkii xalay, balse xiiso looma qabo inaan u soo bandhigno dadka, waxaana ka saarnay saldhigyo badan halkaasoo ay mujaahidiintu ku sugnaayeen muddo saacado ah," ayuu yiri afhayeenka Xarrakatul Shabaab.

Dagaalkii xalay oo socday saddex saacadood oo xiriir ah ayaan la ogeyn khasaraha labada dhinac kasoo gaaray, waxaase madaafiicdii ay dhinacyadu is-dhaafsanayeen ku dhintay 11-qof oo shacab ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 20-qof oo kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya