Faahfaahinno dheeraad ah oo ku saabsan khasaarihii ka dhashay duqeymo la isku dhaafsaday Magaalada Muqdisho

Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) Illaa 20-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 45-qof oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiic ay DKMG ah oo gacan ka helaysa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab isku dhaafsadeen shalay gallinkii dambe magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo ku dhacay suuqa Bakaaraha iyo hareeraha madaxtooyada ayaa dadka shacabka ku dilay goobaha ay Muqdisho ka kala maamulaan DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab Al-Mujaahidiin.

"Waxaan arkay 16-qof oo dhintay, kaddib markii dhowr madfac oo is-daba-joog ah ay ku dhaceen qaybta lagu Cabadalla shisheeye ee bakaaraha," ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada suuqaas ku sugnaa markii ay madaafiicdu ku dhacaysay.

Duqeymahan oo ahaa kuwo ay dowladda KMG ah iyo AMISOM uga jawaabayeen madaafiic dishay afar qof oo ku dhacay Ex-fiyoore iyo hareerihiisa ayna ku jirtay haweeney xaamilo ahayd ayaa sidoo kale dhaawacay in ka badan 30-qof.

"Suuqa Cabdalla shideeye waxaan ka qaadnay dhaawacyada 21-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, intii aan howsha gurmadka ah ku jirnayna waxaan aragnay mayd fara badan," ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho oo saxaafadda la hadlay.

Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab ayaan ka hadlin duqeynta dhalisay khasaaraha faraha badan ee shacabka oo ay shalay gallinkii dambe isku dhaafsadeen Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya