Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) – Wasiirka wasaaradda macdanta, biyaha iyo shidaalka DKMG ah ee Soomaaliya C/risaaq Sheekh Muxyadiin oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu baaqay ha'yadaha ka shaqeeya shidaalka, biyaha iyo macdanta inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda.
"Dhammaan hay'adaha ka shaqeeya biyaha, shidaalka iyo macdanta waxaan ku wargelinaynaa inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda si loola socdo howlaha ay qabtaan," ayuu yiri Mudane C/risaaq Sheekh oo ay hareerihiisa taagnaayeen ku xigeenkiisa iyo agaasimayaasha wasaradda.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in hay'adaha howshan ku lugta leh ay ka qaataan wasaaraddiisa aqoonsi ay ku shaqeeyaan, isagoo xusay in hay'addii la arko iyadoo shaqeynaysa aqoonsi la'aan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
"Garoonka diyaaradaha waxaan geyn doonnaa shaqaalaheenna qaarkood si ay u baaraan dhagaxda, macdanta iyo ciidda dibadda loogu qaado in lasoo baaro ama ganacsi ahaanta loo dhoofinayo," ayuu wasiirku ku sheegay shirkiisa jaraa'id.
Ugu dambeyn wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddiisu ay wixii maanta ka dambeeya dar-dargelin doonto howlaheeda, iyadoo horay uu wasiir ku xigeenku uga dalbaday hay'adaha ka shaqeeya biyaha inay dalka isaga baxaan, inkastoo uu dib uga laabtay go'aankaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya