Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 11-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqeymo iyo dagaallo culus oo xalay ku dhexmaray degmooyinka ka tirsan Muqdisho ciidamada DKMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20-qof.
Dagaalladii xalay oo qarxay 11:30 habeennimo ayaa socday illaa gallinkii dambe ee xalay waxayna si saf-ballaaran ah uga dhaceen degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo Boondheere oo ay dhinacyadan isku horfadhiyeen tan iyo sannadkii hore.
Dagaallada oo ahaa kuwo isku xiran ayaa qarxay markii ay xoogagga Xarrakatul Shabaab weerarro ku qaadeen saldhigyo ay degmooyinkii lagu dagaalamay kaga sugnaayueen ciidamada DKMG ah iyo AMISOM oo ay ka mid tahay wasaaraddii hore ee gaashaandhigga halkaasoo dhawaan laga qabsaday Xarrakatul Shabaab.
Madaafiic ku dhacday degmooyinka Shiibis, C/casiis, Yaaqshiid iyo degmooyinkii lagu dagaalamay ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca gaaray dadka shacabka ah, iyadoo saakay qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay loo qaaday goobaha caafimaadka si loo daweeyo.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, misna lama sheegin goobo lagu kala qabsaday dagaalladii xalay dhacay oo ahaa kuwii ugu cuslaa ee dhaca toddobaadyadii ugu dambeeyay, waxaana saakay daggan goobihii lagu dagaalamay inkastoo weli la maqlayo madaafiic mararka qaar dhacaysa.
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo weerarrada qaaday iyo DKMG ah iyo AMISOM ayaan weli ka hadlin dagaalladii iyo duqeymihii xalay ku dhexmaray Muqdisho, iyadoo dagaalladan ay ka horreeyeen madaafiic shalay gallinkii dambe la isku weydaarsaday Muqdihso oo sababtay dhimashad aiyo dhaawaca dad fara badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya