
Arbaco, December 21, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Wariyayaasha Soomaalida ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay C/salaan Shiekh Xassan Xiis oo ahaa wariyihii Teleefishinka Horncable.
Wariyayaasha ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo isugu yimid kulan degdeg ah markii ay maqleen geerida Xiis ayaa codsaday in cadaalada la horkeeno cidii ka dambaysay dilkaasi.
Waxaana kulankan ka hadlay wariyayaal dhowr ah oo dhammaantood ka sharqamiyay in nasiib darro ay tahay in askari ka tirsan ciidamada amaanka uu toogto shakhsi aan hubaysnayn oo hadana ka tirsan bahda warbaahinta.
Ayaanle Xuseen Cabdi oo kamid ahaa dadkii ay Xiis sida dhow isu yaqaaneen ayaa ku tilmaamay dilkiisa inay tahay dambi culus, isagoo sheegay marxuumku inuu ahaa shakhsi dabeecad wanaagsan oo bulshadu ay jeceshahay.

C/lle Xaaji Cali oo ah agaasimaha taleefishinka Horncable qaybtiisa bariga Afrika ayaa isna codsaday in laga hortago soo noqnoqashada falalka lagu ugaarsanayo saxafiyiinta Soomaalida oo uu ku tilmaamay inay yihiin geesiyaal ku shaqaynaya daruuf adag.
C/qafaar Axmed Shire oo kulankan daahdaahinayay ayaa ka codsaday wariyayaasha Soomaalida inay isku duubnaadaan isla markaan u guntadaan sidii loo taageeri lahaa qoyskii iyo caruurtii uu ka baxay wariye C/salaan Shiekh Xassan Xiis.
Waxayna dhammaan wariyayaashii kulankaas isugu yimid ay ku baaqeen in dawlada Soomaaliya ay soo qabato askirigii dilay Xiis oo la sheegay in madaxa uu ka toogtay isagoo gaarigiisa ku dhex jira.
Geerida ku timid wariyahaan oo ahayd mid naxdin leh ayaa sidoo kale maamulka Hiiraan Online ay la qaybsanayaan murugada dhammaan warbaahinta Soomaaliya iyo waliba qoyskii Marxuumka.






Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya