Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeyn ay ku dhinteen Caruur badan ka geystay Gobolka Jubbada Hoose

Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Ugu yaraan 15-qof oo u badan caruur ayaa ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya shalay gallinkii dambe u geysteen deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose, waxaana duqeynta ku dhaawacmay 27-qof oo kale.

Diyaaradaha duqeynta geystay oo ahaa saddex miig ayaa waxay duqeeyeen bartamaha deegaankaas oo 160-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose.

"Gantaalladu waxay ku dhaceen guryo ay dad rayid ah daggan yihiin, waxaana dadka dhintay oo u badnaa caruur ku jiray kuwo qoys qura kasoo jeeday," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo saxaafadda la hadlay.

Dadka ku dhintay duqeynta ayaa la sheegay inuu ku jiray askari ka tirsan xoogagga Xarakada Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaas, halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan inuu ku dhaawacmay guddoomiyihii deegaankaas ee Al-shabaab Sheekh Saacid C/llaahi.

"Maydadkii ka dhashay duqeynta xalay oo dhan ayaan duugaynay, waxaana qaar ka mid ah u dhinteen dhaawacyo soo gaaray oo aad u darnaa," ayuu yiri goobjooge kale oo ku sugan Hoosingoow, kaasoo intaas ku daray: "Dadka dhintay toddoba ka mid ah waxay ahaayeen caruur, afar rag ah iyo afar haween ah, waxaana loo aasay koox-koox ah."

Guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee Al-shabaab Sheekh Abuukar Cali Aadan oo ka hadlay duqaeyntan ayaa sheegay in diyaaraduhu ay dhowr jeer oo isku xigta duqeeyeen, balse duqeyntii ugu dambeysay ay khasaaraha geysatay.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay duqeynta ay ahaayeen rayid, isagoo meesha ka saaray inay khasaare kasoo gaartay xoogaggooda.

Dhaawacyadii ka dhashay duqeyntan ayaa intooda badan ay xalaadoodu tahay mid khatar ah ayaa loosoo qaaday saakay degmada Kismaayo si loogu daweeyo, maadama aysan tuulada Hoosingoow lahayn isbitaal iyo goobo caafimaad.

Waa duqeyntii ugu khasaaraha badnayd ee ciidamada Kenya ay ka geysteen gudaha Soomaaliya tan iyo markii ay billaabeen howlgalka ciidan ee ay uga horjeedaan Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya