Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Taliska AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa soo dhaweeyay ciidamadii ugu horreeyay oo ka socda dalka Jabuuti, kuwaasoo shalay soo gaaray Muqdisho.
Ciidamadan oo tiradoodu tahay 100-askari ayaa waxaa horkacayay abaanduulaha ciidamada Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim, iyadoo ay soo dhaweeyeen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan dowladda oo ay wasiirro ku jiraan.
"Waxaan soo dhaweynaynaa ciidamada ka socda Jabuuti ee soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo qayb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika. Waxayna ciidamadan ka qaadanayaan nabad lagu soo celiyo Soomaaliya, waxaana la dajiyay xerada tababarka ee Jaziira," ayuu yiri taliye ku xigeenak ciidamada AMISOM Jen. Audace Nduwumunsi.
Dowladda Jabuuti ayaa waxay noqonaysaa dowladdii saddexaad oo ciidammo ugu yaboohda howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Iyadoo ciidamada AMISOM ay horay u ahaayeen 9,600 oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya