Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xilkii ka qaaday maareeyihii dekadda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, isla markaana u magacaabay maareeye cusub Inj. Cali Cumar Max'ed (Cali Xoor-xoor).
Madaxweynuhu ma sheegin sababta uu xilka uga qaaday Maareeyihii hore ee dekadda Berbera balse waxa uu ku sheegay war-saxaafadeedka uu masuul cusub ugu magaacabay Dekadda inay tahay dardar gelin hawlaha Dekadda ah.
"Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuuu digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-828/122011, xilkii kaga Qaaday maareeyihii Hore ee Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta soo gaadhay HOL.
Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay maariyihii hore ee dekadda Berbera "Waxaanu uga mahadnaqay mudadii uu xilka soo hayey, Hawlihii uu qaranka u qabtay".
Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu ku qancay inuu hanan karo xilkaasi cusub ee loo magacaabay maareeyha cusub ee Cali Xor-Xor, waxaanu yidhi "Markaan ku qancay waxaan go’aansday in Ing. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xooor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland".
Maareeyahan cusub Ing: Cali Xor-xor ayaan xilkan ku cusbayn oo hore muddo dheer ka ahaa Maareeyaha Dekadda Berbera ee Xukuumaddii Daahir Rayaale, waxaana xilkan markii horaba ka qaaday Madaxweyne Siillaanyo.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland