Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Xildhibaannadii horay xilka uga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay maanta kulan ay ku magacaabayaan guddi doorasho ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka, iyadoo xaruntaas ay isku gadaameen ciidammo ka tisran booliiska Soomaaliya.
Mudanayaashan ayaa waxay sheegeen in sidoo kale ay xil ka qaadis ku sameyn doonaan guddoomiye ku xigenennada baarlamaanka, iyagoo ku adkeysanaya inay tagayaan xarunta golaha shacabka.
"Waxaan maanta oo Arbaco ah yeelanaynaa kulan lagu magacaabayo guddi kasoo shaqeeya doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, waxaana dowladda ugu baaqaynaa inay xushmeyso baarlaamaanka," ayuu yiri xildhibaan Mowliid Macaani oo ka mid ah xildhibaannada kulanka yeelanaya.
Xildhibaan Cali Zeko oo ka mid ah xubnaha kulanka ku baaqay ayaa sheegay inuu maqlay inay ciidammo booliis ah isku gaadaameen xarunta golaha shacabka, ayna u direen wasaaradda arrimaha gudaha codsi ku aaddan inaan is-hortaag lagu sameyn kulanka ay yeelanayaan.
Mudanayaashan ayaa waxay ku adkeysanayaan in xil ka qaadistii ay ku sameeyeen guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan ay tahay mid sharciga waafaqsan, ayna ugu baaqayaan madaxda kale ee dowladda KMG ah inay aqbalaan.
Warsaxaafadeed maalin ka hor kasoo baxay madaxda DKMG ah ayaa shaki looga muujiyay xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo lagu baaqay in la xushmeeyo axdiga dalka, heshiiskii Kampala iyo Roadmap-ka, dibna loo billaabo kulammada baarlamaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya