
Khamiis, November 10, 2011 (HOL) — Wafdi uu horkacayay wasiirka ku xigeenka gaashaandhigga dalka Uganda, Jey Jey Down ayaa maanta soo gaaray Muqdisho iyagoo kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise.
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka socday baarlamaanka dalka Uganda, waxayna sheegeen inay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay u arki lahaayeen howsha ay ciidamadooda ka tirsan AMISOM ka wadaan Muqdisho.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab ayaa sheegay in wafdiga uu kala hadlay xaaladda Muqdisho iyo horumarka ay sameeyeen ciidamadooda gacanta siinaya dowladda KMG ah oo dagaal kula jirta Al-shabaab.
"Wafdiga waxaa ka mid ah xildhibaanno ka tirsan guddiga amniga ee baarlamaanka Uganda, waxayna inoo sheegeen in wixii ay ku arkeen Muqdisho ay gaarsiin doonaan xukuumaddooda, ayna ku faraxsan yihiin horumarka dhinaca ammaanka ah ee ka muuqda Muqdisho," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.
Sidoo kale, ra'iisul wasaare ku xigeenku wuxuu sheegay in xildhibaannada Kenya ay sheegeen inay ka shaqeyn doonaan sidii loogu soo diri lahaa Soomaaliya ciidammo dheeraad ah oo ka socda dalkooda.

Intaas kaddib waxaa saxaafadda la hadlay wasiirk u xigeenka gaashaandhigga dalka Uganda, Jen. Jey-Jey Down oo sheegay in safarkooda uu la xiriiray sidii ay u arki lahaayeen ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kulammo la yeesheen madaxweynaha iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.
"Booqashadeennu waa mid la xiriirta sidii aan u arki lahayn howsha ay ciidamadeena ka tirsan AMISOM kawadaan Muqdisho, aad ayaana ugu faraxsannahay howsha ay qabteen," ayuu yiri Jen. Down.
Wasiir ku xigeenku wuxuu intaas ku daray inuu madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay fariin uu uga siday baarlmaanka iyo dowlada Uganda, si loogu dhiirgeliyo xukuumadda Soomaaliya inay howlaheeda sii wadato.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya