Dowladaha Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday heshiis iskaashi (SAWIRRO)



Khamiis, November 10, 2011 (HOL) — Dowladaha Soomaaliya iyo Germany ayaa shalay kala saxiixday heshiis iskaashi ah, waxaana heshiiskan oo la xiriira dhinacyadda horumarinta iyo gar-gaarka labada dowladood u kala saxiixay Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Dr. Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim iyo Wasiirka Iskashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta wadanka Germany Dirk Niebel.

Shir jaraa’id oo labada Wasiir si wada jir ah ugu qabteen Wasaaradda Arrimaha Dibad ee Germany ayuu Dirk Niebel ku sheegay in heshiiskan uu ku saabsanyahay gar-gaarka iyo taagerada ay u fidinayaa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in sanadkii ay 10-milyan oo Yuuroow ugu deeqayaan Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah horumarinta dhaqaale iyo gar-gaar ee Soomaaliya, isagoo caddeyay inay dalkiisu ay Soomaaliya ka taageeri doonaan dhinac kasta, isla markaana aysan hakin doonin kaalmadooda.

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Dr. Maxamed Ibraahim ayaa dowladda Germany uga mahadceliyay taageerada iyo ballanqaadyada ay u sameeysay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay inay tahay mid aan la hilmaami doonin.

Wasiirka oo safar shaqo ku joogay wadanka Germnay maalmihii la soo dhaafay, ayaa wuxuu kullamo gooni gooni ah la qaatay wasiiro dhowr ah oo uu ka midyahay dhiggiisa Guido Westerwelle iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah, waxaana safarkiisa ku wehliya Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cali Dirir Faarax iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Germany Maxamuud Maxamed Tifoow.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa wuxuu hagaajiyay xiriirkii labada dal ka dhexeeyay, waana markii ugu horeysay ee muddo 20-sanadood ah uu calanka Soomaaliya ka babado dhismaha wasaaradda Arimaha dibada ee Germany, iyadoo heshiiskana uu yahay midkii ugu horeeyay ee ay labada dowladadood wada gaaraan mudadaas.



Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya