Xarrakada Al-shabaab oo sheegtay in weerar khasaare geystay ku qaadday ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyinka

Khamiis, November 10, 2011 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa maanta sheegtay inay weerar gaadmo ah oo khasaare geystay ay ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo wateen ciidamada Kenya, kuwaasoo ka yimid degmada Dhoobley kuna socday deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose.

Afhayeenka ciidamada ee Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in saakay ay weerar la beegsadeen gaadiid ay wateen ciidamada Kenya oo u socday deegaanka Qooqaani oo ka tirsan degmada Afmadow, ayna khasaare u geysteen ciidamadaas.

"Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaana la beegsanay ciidammo Kenyan oo wata lix gaari, waxaa noo suurogashay inaan gubno saddex ka mid ah oo isugu jiray laba gaari oo kuwa xamuulka ah iyo gaari kale oo noociisu ahaa booyad," ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

"Ciidamada Kenyanka ah ee dagaalka ku dhintay oo aan aragnay waxay ahaayeen sagaal, askaritii kale iyo gaadiidkii ay wateenna dib ayay u carareen," ayuu mar kale yiri afhayeenka Al-shabaab oo aan sheegin khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Sidoo kale, afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab wuxuu sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen gaari qaad u waday ciidamada DKMG ah ee ku sugan gobolka Jubbada hoose, isagoo xusay in gaariga la gubay.

Gaariga qaadka waday ee la qabtay ayuu sheegay inay la socdeen lix qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen askarta dowladda, kuwaasoo la dilay iyadoo saddexdii kale oo ahaa shacab ay mid haweeney ahaydna la sii daayay.

Ma jiro hadal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay ciidamada DKMG ah ee ku sugan gobolka Jubbada hoose iyo ciidamada Kenya ee iyaguna ku sugan qaybo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya