
Arbaco, November 09, 2011 (OHL)- Waxaa magaaladda Columbus, Ohio, booqasho gaaban ku yimid ergeyga wakiilka uga ah dawladda Mareykanka arimaha Somalia Mr. James Swan oo ay ujeedadiisu aheeyd in uu qorba joogta Somaliyeed ka dhaadhiciyo una sharxo siyaasdda dawladda Mareykanka ay ka damacsantahay Somalia iyo qaabka loo wajahayo hindisaha loo yaqaano DUAL TRACK oo la rabo in lagu maamulo degaanadda Somalia. Waxa goobtaas ka hadla safiirka Mr. Swan oo aad uga hadlay in dawladda Mareykanka ay rabto isla markaana ay dadaal dheer ugu jirto in lo helo Somalia xal nabadeed iyo kala danbeen ku saleysan sharci iyo ismaqal.
Mr. Swan, waxa uu sheegay in marnaba dawladda Mareykanka aysan aqbali doonin isla markaana aysan wax aqoosiya siin doon, kuwa Nairobi maalin walbaba isaga dhawaaqaya dawladd goboleedka. Waxa uu yiri " waxaan dadaal ugu jirnaa sidii aan dawladda ku meel gaarka ah gacan uga siin laheeyn dhinaca horumarka iyo nabadgalyada. Waxaan diiradda saareynaa ayuu yiri sidii Somalia dawladda lala xisaabtamo uga dhalanlaheeyd loona dhanyahay, isla markaana looga baxao Dawladda ku meel gaar ah oo mar walbaba so noqnoqoneysa.
Mar aan wax ka weydiiyay gabar Somaaliyeed oo shir ka qeyb gasha magaceedana la yiraa Sacido Yasiin, waxa ay ka qabto Dual Track: waxa ay tiri "Waxay ila tahay in uu Dual Track uu Somaliya u yahay wax fiican sababta oo ah waxa uu u kala qeybsanyahay laba qeybood oo kala ah:
a) Dual Track 1, oo ku wajahan in Somalia laga saaro ku meel gaarka, loona dhiso Dawlad loo dhanyahay kuna dhisan sinaan iyo cadaalad.

b) Dual Track 2, oo laga damacsanyahay in la horumariyo goboladda hadda maaulka leh, lagana kaalmeeyo dhinaca dhaqaalaha, waxbarashadda iyo siyaasddaba, ma aha ay tiri in ay sugaan Dawladda dhexe kaalmadeeda. Saciido waxa ay tiri guud ahaan shirku si fiican ayuu u dhacay.
Mar wax laga weydiiyay Safiirka Mr. Swan arimaha Somaliland, waxa uu sheegay in Somaliland ay ku amaanantahay sidii ay doorashadii ugu danbeysay ay u dhacday iyo nabad galyada ka jirta. Waxa uu yiri Dawladda Mareykanka wa ay ka caawisaa dhaqaalaha. Waxa uu yiri Somaliya iyo Ururka Africa ayey utaal arimaha siyaasadda in ay wada hadlaan Somali iyo Somaliand, dawladda Mareykanka arimahaas shaqo kuma laha.
Waxaa kaleoo laweydiiyay Faragalinta iyo Xadgudubka Dawladda Keyna oo xuduudaha koonfurta Somalia ciidamadeeda joogaan,
waxa uu Mr. Swan ku jawaabay Dawladda Mareykanka raali kama aha in Somalia lagu xadgudbo, laakiin waxaad ogaataan in Dawladda Kenya dhaqaalaheedu ku dhisanyahay dalxiiska, dadkii dalxiiska u imanayay ayaa afduubkoodii batay, marka waxa ay noqotay in ay xuduuda ay la leeyihiin Somalia oo ay afduubayaasha ku tuhmayaan iska difaacdaan.
Ergigan gaar ah waxaa Somalia loo magacaabay bishii August 2011, waxaana uu Wasaaradda arimaha dibadda uu ka shaqeynayay laga so bilaabo sanadka 1988. Waxa uu ka so shaqeeyay Dawladaha kala ah:- Djibouti, Cameroon, Congo, Dem.Republic of Congo, Nicaragua iyo Haiti. Waxaa kale uu ahaa lataliya Xoghayaha Arimaha Dibadda arimaha qaaradda Africa sanadadii 2006-2008. 





Hiiraan Online
Columbus, Ohio