Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya oo tacsi u diray Ehelada Xildhibaan Aadan Buulle oo Muqdisho lagu dilay

Khamiis, November 10, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Khamiis ah tacsi tiiraanyo leh oo ku saabsan dilkii xildhibaan Aadan Buulle Maxamed loogu geystay Muqdisho u diray qoyska, asxaabta, ehellada iyo xildhibaannada dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in dilkii xildhibaan Aadan Buulle uu ahaa mid wuxuu-shnimo ah oo ay geysteen koox wax-magarayo ah. Wuxuuna falkaas ku tilmaamay fal-dambiyeed lagu dilay xildhibaan qaran.

"Dilka mudane Aadan Buulle wuxuu ahaa mid naxdin weyn ku reebay dowladda iyo shacabka Soomaliyeed loona baahan yahay in si deg-deg ah cadaaladda la hor-keeno dambiilayaashhii ka dambeeyay dilka mudanaha," ayuu Sheekh Shariif ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray.

Madaxweyne Shariif wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaliyeed inay kaashadaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida si looga hortago fal-dambiyeedyada noocan ooo kale, kuwaasoo uu ku sheegay inay dhaawacayaan amniga iyo sumcada ummadda Soomaliyeed.

Ugu dambeyn; madaxweynaha Soomaaliya wuxuu u duceeyay mudanaha, isagoo ALLE ka baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo. Waxaana mudanahan shalay lagu toogtay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, iyadoo maanta lagu aasay qubuuraha Sheekh Suufi oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah kooxihii dilay mudanaha la qabtay. Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Macallin uu saakay sheegay in lagu raad-joogo kooxihii kale ee dilka qaybta ku lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya