Madaxweynaha Somaliland oo guddi u magacaabay xalinta khilaafka Deegaannada Ceel-bardaale

Talaado, 04 January, 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta guddi u magacaabay xallinta khilaafka deegaan ee ka taagan deegaannada Ceel-bardaale.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, Axmed-Siilaanyo wuxuu xal-ka-gaadhista khilaaf in muddo ah ka taagnaa deegaanka Ceel-bardaale oo keenay dhimasho iyo dhaawacba u saaray guddi ka kooban odayaal ka soo jeeda labada dhinac iyo Shan wasiir oo xukuumaddiisa ka tirsan.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan:

"Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa maanta Magacaabay Guddi uu u xilsaaray arrinta Ceel-bardaale, Guddidaas oo ka Kooban shan Wasiir iyo Odayada labada dhinac ee Ceel-bardaale isku haya ka soo kale Jeeda. Madaxweynuhu Waxa uu faray Guddida in ay sida ugu dhakhsaha badan u gudo galaan hawsha uu u xilsaraay oo ah inay xaqiiqo rasmiya ka keenan sida ugu habboon ee lagu soo af-jari lahaa Arrinta halkaa ka Jirta, si Dhakhso ahna Xal looga Gaadho.

Guddiguna waxay balan qaadeen inay sida ugu habboon ee ay xal u arkaan ee ay arrintaa loo xilsaaray uga soo talo bixin lahaayeen ay ku dadaali doonaan."

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.