Barakacayaal ku sugan kaamam ku yaalla Muqdisho oo sheegay in la lunsado gargaarkii loogu talogalay

Talaado, 04 Janaayo, 2011 (HOL) − Barkacayaal ku nool kaamam degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku yaalla, ayaa ku eedeeyay maamulka degmadaas iyo qaar ka mid ah horjoogayaasha kaamamkaas inay lunsadaan raashinka ay ugu deeqeen hay'adaha gargaarka.

"Gargaarka naloogu talogalay oo dhan waxaa lunsada maamulka degmada Wadajir iyo horjoogayaasha kaamamkeena... kuwa dhaca geysa waa tuugo aan naxariis lahayn, isla markaana aan doonayn inaan noolaanno," ayay tiri haweenka ka mid ahayd dadka daggan kaam ku yaalla siligii Mareykanka.

Haweeneydan oo 70-jir ahayd, ayaa sheegtay in gargsaarkii loogu talogalay lagu dhistay guryo, iyadoo ka dalbatay hay'adaha gargaarka in si toos ah deeqda ay ugu talogaleen u soo gaarsiiyaan, oo aysan cidna u soo marin.

"Waxaan ku nool nahay buushash, ka sameysan baco iyo maryo, shan-shan qof ayaa isku dul saarannahay, ma haysano raashin iyo biyo aan cabno, waxaana ka codsanaynaa hay'adaha gargaarka inay gargaarka si taas ah nagu keenaan," ayay tiri haweeney kale oo saxaafadda la hadashay.

Dibadbaxa gaaban, oo barakacayaashan ay dhigeen shalay oo Isniin ahayd, ayay ku muujinayeen xaaladdooda nololeed oo ahayd mid aad u liidata, waxayna kasoo barakaceen sida ay sheegeen gobolka Shabeellada hoose kaddib markii ay abaaruhu la tageen xoolihii ay dhaqanayeen.

Guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci), ayaa xusay in howshoodu ay tahay sugidda ammaanka, balse aysan shuqul ku lahayn gargaarka loogu talogalay barakacayaasha ku nool kaamamka ku yaalla degmada Wadajir.

"Cabshada barakacayaasha dib ayaan u eegaynaa, waxbaana ka badalaynaa, balse gargaarku masoo maro maamulka ee wuxuu maraa NGO-yo la shaqeeya hay'adaha gargaarka," ayuu yiri Axmed Daaci oo iska fogeeyay eedeynta maamulkiisa loo jeediyay.

Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, ayaa waxaa ku nool dad kasoo barakacay degmooyinka gobolka Banaadir ee ay dagaalladu ka socdaan iyo kuwo dhawaan kasoo barakacay gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo ay ka muuqato diif iyo macluul aad u daran.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya