Talaado, Janaayo 04, 2011 (HOL) – Wafdi ka socda wasaaradda caafimaadka ee dalka Suudaan uuna hoggaaminayo Prof. Maxamed Cabdalla C/raxmaan oo ah mas’uul sare oo wasaaraddaas ka tirsan ayaa booqasho ku jooga Muqdisho, si ay u qiimeeyaan xaaladda Isbitaallada Muqdisho, sida uu maanta sheegay wasiir u dowlaha wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Max’d Sheekh Xasan.
“Xubnaha wafdiga, waxay dalka soo gaareen shalay oo Isniin ahayd, waxaana maanta markii ugu horreysay geynay isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Martiini, si ay xaaladda isitaalladaas qiimeyn ugu sameeyaan,” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Xasan.
Wasiir u dowluhu, wuxuu sheegay in wafdigan ay hordhac u yihiin wafdiyo kale oo k socda dalka Suudaan oo kusoo wajahan Soomaaliya. Kuwaasoo looga jawaabayo codsi ay dowladda Soomaaliya u diray dalkaas, kaasoo ahaa in laga caawiyo dhinaca dhaqaatiirta iyo qalabka cafimaadka.
Booqashadan, ayaa waxaa wafdigan ku wehliyay xubno uu ka mid yahay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Aadan Xaaji Ibaahim Daa’uud, wasiir-u-dowlaha wasaaradda Max’ud Sheekh Xasan iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Cismaan Libaax.
Isbitaalka Madiina, oo ahaa midkii ugu horreysay oo ay wafdigan booqdaan, ayaa waxay kula kulmeen bukaanno badan oo ku dhaawacmay dagaallada ka socda Muqdisho, iyadoo agaasimaha isbitaalka Dr. Maxamed Yusuuf Xasan, uu sheegay in Isbitaalka uu u baahan yahay qalab iyo dhaqaatiir qaliin, gaar ahaan kuwa lafaha.
Wasiir u dowlaha wasaaradda caafiamadka, ayaa sheegay in dowladda Soomaailya ay ka codsatay dalka Suudaan inay ku caawiyaan dhaqaatiirta qaliinka lafaha iyo kuwa haweenka, kuwaasoo uu u sheegay inay baahi weyn loo qabo.
Inkastoo, wasiir u dowluhu uusan sheegin xilliga ay wafdigan ka dhoofayaan Muqdisho, ayuu haddana sheegay inay berri oo Arbaco ah, ay geyn doonaan isbitaalka Daarul-Shifa oo ka mi ah kuwa gaarka loo leeyahay ee ka howlgala Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya