Ambassador Mahiga oo Muqdisho soo gaaray kulamana la qaatay madaxda ugu sareysa dowladda (SAWIRRO)


Talaado, January 04, 2011(HOL): Madaxa xafiiska siyaasada ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee loo yaqaano (UNPOS)   Ambassador Augustine Philip Mahiga ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo kulamo iyo qado kula qaatay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia madaxda ugu sareysa dowladda, sida madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Ambassador Mahiga iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen gudaha xarunta madaxtooyada iyagoo ka warbixiyay ujeedada booqashada iyo arrimaha ay ka wada xaajoodeen.


 “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta soo gaaro magaalada Muqidsho aanu kulamo la qaato madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliyeed, waxaana ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ugu horeeyeen Siyaasada, Amniga, Dib u dhiska, Dowlad wanaaga iyo weliba gargaarka Bani’aadaminimada maadaama ay jiraan abaaro daran” ayuu yiri Mr. Mahiga oo intaasi ku daray in dhamaamba arrimaha ay ka wada hadleen ay isla garteen.

Sidoo kale, Ambassadorka ayaa xusay inay ka wada hadleen sidii waqtiga KMG ah ee u harsan dowladda loo waafajin lahaa howlaha baaxada leh ee hor yaala dowladda, ayna ugu horeyso Amniga dalka “Q/midoobay ahaan anagu waxaan balan qaadeynaa inaan bixino wixii kharashaad ah ee howlahaasi ku baxaya” ayuu mar kale yiri isagoo u hambalyeeyey xukuumada cusub ee tayo kana kooban 18-ka Wasaaradood.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isaguna sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada Ambassador Mahiga isagoo tilmaamay inay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya xasilinta iyo dib u dhiska dalka.


“Waxaan u cadeynay in dowladdu ay ka go’an tahay inay la timaado isbedel muuqda oo ku saleysan dowlad wanaag, waxaana ka dhabeyn doonaa dhamaamba balan qaadyadii dowladdu sameysay” ayuu yiri R/wasaaraha oo hoosta ka xariiqay in ay diirada saari doonaan Ammaanka iyo dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa diyaarinta  Dastuurka dalka, iyo sidoo kale sidii wadanka looga qaban lahaa kooxaha nabadda iyo dowladnimada diidan si loo joojiyo dhiigbaxa shacabka.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisal Wasaaraha
[email protected]