Talaado, January 04, 2011(HOL): Hoos u dhac ballaraan oo dhanka qiimaha xoolaha lagu kala iibsado ah ayaa waxaa laga dareemayaa suuqyada lagu iibiyo xoolaha nool ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobbalka jubbada hoose,ayadoona arintraasi sabab loga dhigayo saameynta ay abaarta ku yeelatay duunyada ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku heeran.
Magaalada Kismaayo iyo guud ahaanba deegaanada gobbalada jubbooyinka ayaa waxaa haatan ka taagan abaaro iyo biyo la'aan aad u daran taasoo dadka reer guuraaga ah ku qasabtay inay u soo hayaamaan oo ay soo galaan magaalooyinka waaweyn ee jubbooyinka sida,magaalada Kismaayo waxaana dadka xoola dhaqatada ah ay durbadiibo bilaabeen in qaar ka tirsan xoolahooda oo aad ola il,daran diifta ay abaartu ku reebtay ay u iibgeeyaan suuqyada magaalada Kismaayo taasna waxaa ay keentay in qiimihii hore ee loogu kala iibsan jiray xoolaha nool uu hoos u dhac ku yimaado.
Cilmi Xasan Axmed'' oo ka mid ah ganacsatada suuqyada xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in xoolo iyo dad ree miyi ah oo aad u fara badan oo ay soo bara kicisay abaaraha iyo daruufaha adag ee xaga nolasha ah ee ka jira deegaanada gobbalada jubbooyinka ay soo gaarayaan magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda,waxaana ay arinkaasi ay hoos u dhac aad u balaaran ay u keyntay qiimihii xoolaha lagu kala gadan jiray.
''Qiimaha xoolaha sidii hore ma,ahan oo waxaa ku yimid hoos u dhac aad balaaran,waxaana arinkaasi sabab u ah saameynta ay abaarta ku yeelatay dadka iyo duunyada reer jubbooyinka,xoolhu tabar mahayaan,dadkuna way ka daranyihiin alle hanaga so gaaro dhibaatooyinka abaareed''ayuu yiri Cilmi Xasan Axmed'' oo ka tirsan ganacsatada suuqyada xoolaha ee magaalada Kismaayo.
Si kastaba ha,ahaatee hoos u dhacani ku yimid qiimihii xoolaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili magaalada Kismaayo iyo deegaanada uumaro wabiga jubba ay kus oo qul,qulayaan dad xoolo dhaqata ah oo ay abaarta ka soo barakicisay deegaanadoodii,waxaana dadkani haysata dhibaatooyin xaga nolasha ah.
Xasan Nuur Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya