Jimco, 28 January 2011 (HOL)- Afkaaro kala geddisan ayaa ka soo yeeray Xisbiyada, Xukuumadda iyo Aqoonyahanka kala duwan ee Somaliland tan iyo intii uu Masuul ka tirsan Xukuumadda Axmed-Siilaanyo uu sheegay in aqoonsi ay hesho Somaliland uu ku xidhan yahay Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.
Saamaynta kala duwan ee dhawaaqa ka soo yeedhay masuulka ka tirsan Xukuumaddu ku yeeshay dadweynaha ku dhaqan Somaliland iyo Siyaasiyiinta, ayay siyaabo kala duwan u arkeen dhinacyada kala duwan ee Bulshada Somaliland.
Dhawaaqii Masuulka:
Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif) oo ah Agaasimaha Maamulka yio Lacagta ee Komishanka la-dagaallanka HIV/AIDS, isla markaana ka tirsan Guddida Fulinta ee Xisbul-xaakimka ee KULMIYE, ayaa toddobaadkan sheegay war nuxurkiisu ahaa in aqoonsi ay Somaliland hesho ay ku xidhan tahay Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.
Aragtida Mucaaradka:
Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa qoraal uu ku saxeexnaa Afhayeenka Xisbigaas Xasan Xuseen Codyare, waxa lagu dedafeeyay dhawaaqa ka soo yeedhay Mr. Xinnif.
Qoraalkaas oo dheeraa ayaa nuxurkiisu ahaa dhaleecayn ay u jeediyeen masuulkaas iyo hadalka ka soo yeedhay. “Waxaa nasiib darro ah oo wax aad looga xumaadana ah in masuul xil qaran haya, kana tirsan Xisbiga Kulmiye in uu maanta soo qaato heshiis 20 sanno ka hore jabhadihii halganka ku jiray wada galeen, waxba kama jiraana ka dhigo guushii SNM iyo go’aankii 1991 ee gooni isu taaga ay ku wada gaadheen beelaha Somaliland ee shirkii Burco, shir-weynihii Boorama ee lagu dhisay nidaamka dawladnimo, aftidii distoorka Somaliland ee shacbka ku ogolaaday 97.8% gooni isu taaga Somaliland iyadoo ay goob joog ahaayeen goobjoogayaal ka tirsan beesha caalamka, geedisocodkii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka kala dambeeyey ee dalka ka hirgalay,” ayaa lagu yidhi Qoraalkaas, waxaanay ku tilmaameen dhawaaqaas mid ay soo maleegeen dad ay sheegeen inay Somaliland ka horjeedaa, isla markaana loo adeegsanayo dad u dhashay Somaliland. “Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya in ay ka waantoobaan arrimaha dhabar-jabka ku keenaya qadiyaddeena iyo rabitaanka Shacabka Somaliland, waxaanuna leenahay waa in aad gudataan xilkii laydiin igmaday” ayaa lagu yidhi.
Aragtida Aqoonyahanka:
Dhawaaqa la xidhiidha goonni-isu-taagga Somaliland ee ka soo yeedhay Agaasimahan ka tirsan Guddida la-dagaallanka HIV/AIDS ee Somaliland, ayaa HOL ay wax ka waydiisay dhinacyada kala duwan ee Bulshada. “Meeshii shirar lagu qabanayo iyo halkii lagu shirayaba maaha in la cabsado oo la baqdo, waa in la bandhigo xaqiiqda Somaliland ka jirta. Waa in aan sas laga qaadin Soomaaliya iyo Soomaaliba,” sidaa waxa yidhi Prof. Cabdixakiim Yuusuf Kheyre oo ka mid ah Aqoonyahanka wax ka dhiga Jaamacadaha kala duwan ee Somaliland. Waxaanu ku baaqay in Shirweyne loo qabto dib-u-heshiisiinta Soomaalida oo ka dhaca Somaliland, laguna dhiso Dawlad ay Somaliland wada-hadal yeeshaan oo cago adag ku taagan ay ka dhawdahay in aqoonsi la waydiisto Dawlad lagu soo dhigay dalka dibeddiisa. “Afrika laba dal ayaa ku guulaystay inay gooni isku taagaan, waa Ereteriya iyo Sudan, labadaba waxa raalli ka ahaa dawladaha ay ka go’een. Dawlad ay Somaliland Shir u qabatay oo lagu dhisay, ayaynu ka heli karnaa aqoonsi. Markaynu dhisno Soomaaliya, ayaynu wax heli karnaa, yaynaan ka baqin inaynu hadal la yeelano. Dawlad Caalam soo dhisay ma heli karo, mid ay iyadu samaysay, oo aynu taageerno.” Ayuu hadalkiisa ku yidhi Cabdikaxiim Yuusuf Kheyre.
Gebogebo:
Inkasta oo aanu la xidhiidhnay La-taliyaha arrimaha Ictiraaf –raadinta uu dhawaan u magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, horena u ahaa Murashaxii Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan iyo sidoo kale Wasiirrada ay arrintani khusayso ee Xukuumadda Somaliland, haddana noomay suurtogelin in aanu helno.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland