Jimco, 28 Janaayo, 2011 – Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa saakay aroortii hore dib ugu laabtay Muqdisho, kaddib safar laba maalmood qaatay oo uu ku tagay dalka Uganda, waxaana safarkiisa ku wehliyay xubno uu ka mid yahay taliyaha ciidammada lugta Soomaaliya Jen. Axmed Jimcaale Geeddi.
Diyaaraddii siday madaxweynaha, ayaa kasoo dagtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xilli aan horay looga baran inuu madaxweynuhu kusoo laabto dalka, waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan DKMG ah, inkastoo uusan la hadlin saxaafadda.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa intii uu safarka ku joogay dalka Uganda, wuxuu kulammo kula qaatay dhiggiisa dalkaas Yoweri Museveni, waxyaabihii ay kulankooda uga hadleenna waxaa ugu waaweynaa xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka.
Dalka Uganda, ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidammo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana qaarkood ay ilaalo ka hayaan xarunta Madaxtooyada oo ah halka ay dowladdu inta badan ku shaqeyso.
Gaadiidka ciidammada AMISOM, ayaa madaxweynaha iyo xubnaha la socday ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxayna geeyeen Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha, ayaa lagu wadaa inuu maanta ka hadlo safarkiisaas iyo wixii uga soo qabsoomay, iyadoo lagu wado in toddobaadka soo socda uu u dhoofo dalka Itoobiya, si uu uga qaybgalo shirka madaxda Midowga Afrika.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya