Jimco, 28 Janaayo, 2011 (HOL) – Koox burcad ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa dhac u geystay xalay iyo saakay dukaamo ganacsato Soomaaliyeed ay ku lahaayeen deegaan ku dhow magaalada Cape town ee dalkaas, sida ay sheegeen ganacsato Soomaaliyeed.
“Dhacu, wuxuu ka dhacay deegaan ka tirsan magaalada Cape-town, kooxda dhac geystayna waxay ahaayeen cadaan, kuwaasoo aan looga baran inay dhac u geystaan ajnabiga ku nool dalkooda,” ayuu yiri ganacsade aan magaciisa sheegin.
Ganacsaduhu, wuxuu sheegay in dukaamada la dhacay oo tiradoodu ay gaarayso shan dukaan, laga qaatay dhammaan lacagtii ay shaqeynayeen, isagoo xusay in gacansatadii kale ee Soomaalida ahaa ay cabsi awgeed u xireen dukaamadoodii.
“Booliiska Koonfur Afrika, ayaa goobta soo gaaray, waxayna bilaabeen baaritaanno ku saabsan cidda dhaca geystay, goobta uu dhacu ka dhacayna waa deegaan ay daggan yihiin dadka caddaanka ah ee dalkaas u dhashay,” ayuu yiri ganacsadaha saxaafadda la hadlay.
Dalka Koonfur Afrika, oo ka mid ah dalalka ay u qaxeen Soomaalida ka cararay dagaallada ka dalkooda muddo 20-ka sano ah, ayaa waxaa ku nool in ka badan 100,000-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo noloshooda kasoo saarta ganacsiyo ay ka abuureen deegaannada dalkaas qaarkood.
Arrintan, ayaa noqonaysa mid ku cusub Soomaalida, iyadoo markii hore la sheegi jiray burcad madow ah ay dhaca u geystan jireen ganacsatada Soomaalida ee dalkaas ku nool, iyadoo mararka qaarkood dhegta dhiigga loo daro ganacsatada Soomaaliyeed ee la weeraro.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya