Jimco, 28 Janaayo, 2011 – Amiirka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-zubeyr, ayaa fariin maqal ah oo saxaafadda Muqdisho saakay laga sii-daayay, wuxuu kula dardaarmay mas'uuliyiinta walaayaadka Islaamiga ah ee Xarrakatul shabaab ay ka taliso.
"Halkan, waxaan idin kusoo gudbinayaa fariin ku socota mas'uuliyiinta walaayaadka Islaamiga ah, taasoo ku saabsan inay noqdaan hoggaan ku dayasho mudan, aynna dadka ugu adeegaan si cadaalad ah," ayuu cajaladiisa ku yiri Sheekh Abuu-zubeyr.
Farriintan, oo ka koobnayd dhowr qodob, ayaa wuxuu dhammaantood uga hadlayay qaabka lagu maamulayo dadka ku nool gobollada ay Xarrakatul Shabaab ka taliso, iyadoo fariimaha ay ka mid ahayd in mas'uuliyiintu aysan dadka kula dhaqmin ficil aan wanaagsanayn, taasoo sabab u noqon karta inay diinta nacaan.
"Rasuulka SCW, iyo saxaabadiisu waxay dadka u ahaayeen tusaale ay ku daydaan, idinkana sidaas oo kale ayaa la idinka doonayaa," ayuu Abuu-zubeyr ku sheegay cajaladdiisa maqalka ahayd oo saxaafadda laga baahiyay.
Sheekh Mukhtaar Abuu-zubeyr, ayaa inta badan hadalladiisu wuxuu dardaaran, isagoo ku dabaqayaya hadalkiisa Aayado Qur'aan ah iyo axaadiista rasuulka, iyadoo sidoo kale uu ku jiray gabay dardaaran ah oo ku wajahan mas'uuliyiinta uu la hadlayay.
Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay mas'uuliyiinta Xarrakatul Shabaab ee gobollada Soomaaliya, inay dadka u cadaalad falaan, ayna ka fogaadaan wax walba oo wax u dhimi kara maamulka wanaagsan ee cadaaladda ku dhisan.
Ugu dambeyn, wuxuu ku boorriyay mas'uuliyiinta inay laba-laabaan gurmadka ay u fidinayaan dadka ku dhibaateysan gobollada ay ka taliyaan, kaddib markii ay abaaro xooggan oo dhibaato kala duwan geystay ay ku dhufteen guud ahaan Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya