
Jimco, 28, January, 2011 (HOL) Maalmihii ugu danbeeyay dadka ku dhaqan qeybo badan oo ka mid ah goballka Hiiraan waxaa ay ka cabanayeen Abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan goballka gaar ahaan dhulka miiga fog ah oo ay ku nool yihiin dadka xoola dhaqatada ah.
Sidaa daraadeed waxaa deeq lacageed oo dhan ilaa $ 2032 doolar oo ay soo direen Gabdha Jaaliyada Demarka ee ka soo jeeda goballka Hiiraan la gaarsiiyay qoysas ku xoolo beelay Abaarta ka jirta goballka.
Degmada Maxaas iyo Tuulada Moqokori ayaa ka mid deegaannada inta badan deeqdu ay gaartay, waxaana xusid mudan in dhamaan qoysaska lacagta helay oo ahaayeen kuwo baad iyo biyo la'aan uga soo barakacay Tuulooyinkii ay markii hore ku noolaayeen iyaga oo soo maciin biday Degmada Maxaas iyo Tuulada Moqokor oo ay dul saar ku yihiin qoysas iyguba la daalaa dhacaya xaaladaha noleed ee ka jira goballka.

Sidoo kale waxaa deeqadan qeyb ka mid ah la gaarsiiyay dad xoolo dhaqato ahaa ku nool Tuulooyin hoostaga degmada Buula-burte, iyada oo guud ahaan dadka deeqda la gaarsiiyayna ay dhamaayeen ku dhawaad 100 qoys oo dhamaatood ahaan dadkii saameyntu ay ku reebtay abaarta ka jirta goballka.
Qoysaska helay deeqda laceeg ayaa uga mahad celiyay Gabdhaha Jaaliyada Denmarka kaalmada ay soo gaarsiiyeen, iyaga oo ka codsaday in sii wadaan kaalmada ay u fidinayaan dadka ku dhibaateysan goballka.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya