Markab ay ku rarnayd dhuxul oo dab uu ku qabsaday dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRO)


Sabti 30 Jan 2010 (HOL)
Markab nooca dhuxusha qaada ah oo lagu magcaabo Al-Marjan ayaa ku gubanaya dekedda Muqdisho, kaddib markii halkaas kusoo xirtay si looga badbaadiyo dab si lama filaan ah uga kacay Markabka.

 

MV Al-Marjan oo shalay soo gaaray dekedda Muqdisho ayaa dhuxusha uu wado kasoo qaaday Dekedda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose halkaasoo ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

 

"Waxaan dadaal ugu jirnaa inaan markabka daminno, inkastoo aanan sheegin karin xaaladda uu ku dambeyn karo markabka" ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Dekedda Muqdisho oo saxaafadda la hadlay.

 

Qaar ka mid ah shaqaalaha Markabka ayaa sheegay in dhuxusha markabka saaran ay kusii jeeday dalka Imaaraadka Carabta, waxayna sheegeen in dabka ay ku arkeen markii ay soo gareen inta u dhexeysa Muqdsiho iyo Baraawe.

 

Gaadiidka dabka dambiya iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa ku howlan sidii ay ku damin lahaayeen Markabka, inkastoo markabku uu liicay sida ka muuqata sawirrada laga soo qaaday.

 

Markabka ayaa waday dhuxul aad u fara badan, wuxuuna ka mid yahay Maraakiibta ka qaada dhuxusha Soomaaliya ee geeyaya dalalka Khaliijka gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta, oo tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya dhuxul ka qaadan jiray Soomaaliya.

 

Xaaladda Markabka ayaa laga dayrinayaa, waxayna Injineerro ku sugan dekedda ay sheegeen in la badbaadin karo, haddii loo helo gurmad deg-deg ah oo lagu baqtiyo dabka oo ay sheegeen inuu yahay mid aad u xooggan.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu Markab ku gubto dekedda Muqdisho, iyadoo sannadkii hore uu ku gubtay markab kale oo dhuxul waday, kaasoo ay damiyeen ciidamada AMISOM ee gacanta ku haya ammaanka Dekedda.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya