Sabti, 30 January 2010 (HOL)- Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), ayaa ka hadlay War ay baahiyeen qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka Caalamku, kaas oo lagu sheegay in Markabka MV Layla oo laga leeyahay dalka Cambodia lagu afduubay meel u dhaw Dekedda Berbera.
Eng. Xoor-xoor oo isaga iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha dibeddu socdaal kaga soo laabteen dalalka Kenya iyo Ghana Warbaahinta ugu waramay Madaarka Hargeysa, waxa uu ugu horrayn ka warbixiyay ujeedada socdaalkooda. “Anagu waxaanu maqnayn muddo shan cisho ah oo aanu tagnay Dekada Mambasa ee dalka Kenya iyo Deked la yidhaahdo Tima oo ku taala dalka Ghana, markaa waxaanu soo eegaynay barnaamijyada Dekadaha Africa-da bari iyo galbeed oo labada daraf ah, markaa booqasho gaaban ayaanu ku tagnay, waxanan yeelanay shirar.” Ayuu yidhi Eng. Xoor-xoor, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dekada Mambasa waxa maraya maraakiibta bariga Africa oo dhan, Sudan, Rwanda iyo Burundi iyo Uganda, Dekeda Tima iyana waa sidaas oo kale, markaa barnaamijkayagu intaas ayuu ku saabsanaa. Waxa kale oo meesha ku jirta sida Maayac-muushtarigu shaqada dekeda marka laga soo baxo ay horumar ahaan uga shaqayn karaan, markaa waanu soo nabad noqonay, wixii kale.”
Maareeyaha Dekedda Berbera waxa uu beeniyay War lagu baahiyay Shabakada Wararka Caalamka badankooda oo sheegayay in Markab ku xanniban hadda Dekedda Berbera oo magaciisa la yidhaahdo MV Leyla ay Kooxo Budhcad-Badeed ahi ka af-duubeen meel u dhaw Dekedda Berbera. “Waxaan maqlay in website-yada dalka iyo kuwa dibadu ay qoreen Markab lagu afduubay Dekeda magaalada Berbera oo la yidhaahdo MV-layla, markaasi Kiis ay u haysato qolo Ganacsato ah ayuu u joogaa Berbera, waana qaraar Maxkamad ka soo baxay. Dekada Berbera Maraakiibta laguma afduubo, dadka waxa faafinayaa waa codowga Somaliland.” ayuu yidhi Eng. Xoor-xoor.
Intaa kadib su’aalo Maareeyaha halkaa lagu waydiiyay iyo jawaabihii uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;
S: Waxa jirta Warqad ay Maxkamada Racfaanku ku fasaxday Markabkan MV Layla ee Dekedda ku xayiran oo ay adiga kugu socodsiisay, ka dib markii la dhigay dammaanaddii loo baahnaa oo hanti ma-guurto ah, arrintaasna ilaa hadda kamaad jawaabin ee faahfaahin ka bixi?
J: Horta kiiskani anigu maan wadin ee waxa uu ka dhaxeeyaa cid wax sheeganaysa iyo cid loo sheeganayo, haya’daha dawladuna way kala madax banaan yihiin, Maxkamadaha dawladuna way kala sareeyaan. Maxkamadda Sare ayaana burisay dammaanadii hore oo tidhi kuma filna.
S: Mareeye, xaalada hawl-wadeenada Markabku, ka sakow dacwada loo haysto, ma la socotaan xaaladooda nololeed.?
J: Haa, waanu la soconaa xaaladooda nololeed oo Cuntada, nabadgalyada Markabka iyaga joogitaankooda, qaarkood-na waxay doonayaan inay guryahoodii tagaan, taasina waxay ku xidhan tahay dadka Markabka leh ee heshiisku ka dhexeeyey.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland