Odayaal dhaqmeedyo lagu dilay degmada Xaradheere oo ka tirsan Gobalka Mudug

Sabti 30 Jan 2010 (HOL) Wararka laga helayo degmada Xaradheere ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay degmadaas xalay ku dileen Odayaal dhaqameed si weyn looga yaqaan degmadaas.

 

Dilka Odayaashan ayaa ayaa lala xiriirinayaa muran soo kala dhexgalay kooxo burcad-badeed ah, taasoo ay doonayeen odayaasha dhintay inay xaliyaan, laakiin rasaas ay isku fureen kooxaha muranku soo kala dhaxgalay ayaa sababtay geerida Odayaasha.

 

Wararku waxaay intaas ku darayaan in dilka Odayaasha ay xiisad adag ka dhalisay gudaha Xarardheere oo ku taalla xeebta Gobolka Mudug, halka sidoo kale uu sii kordhayo muranka u dhaxeeya kooxaha burcad-badeeda ah.

 

Odayaasha la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Sheekh-doon iyo Yuusuf Farey, iyadoo mid ka mid ah uu ahaa guddoomiyaha degmada Hobyo ee Gobolka Galguduud oo uu ka jiro muran u dhexeeya kooxo burcad ah oo isku haysta lacag madaxfurasho ah oo ay qaateen Markab Shiinaha laga lahaa.

 

Degmada Xaradheere ee Gobalka Mudug ayaa ah goob inta badan ay ku soo hirtaan kooxaha burcad badeeda, waana wax iska caadi ka noqday inay ku dagaalamaan kooxaha burcada ah kaddib marka ay ku hishiin waayaan saamiga lacageed ee uu qof walba ku yeelanayo Madaxfurashada laga qaato Maraakiibta.

 

C/raxmaan diini, Hiiraan Online

[email protected]