Sabti, January 30, 2010(HOL): Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu aysan waxba qaban marka muddadii halka sano ahayd ee ay jirtay.
Xildhibaannada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan qaban wax badan oo ay shacabku ka filayeen, balse ay horumar ka sameysay oo keliya inay safarro ku tagto dalka dibaddiisa ama ay xilal isku badasho.
"Dowladda Soomaaliya runtii waxay dadaal u gashay sidii ay wax uga qaban lahayd xaaladda dalka, balse waxba kama aysan qaban, marka laga reebo inay isku badashay xubno dowladda ka tirsan" ayuu yiri Xidhibaan Macallin Jiis oo ka hadlay goobta lagu qabtay shirka jaraa'id.
Macallin Jiis oo ka mid ah mudanayaashii TFG-da ayaa sheegay in dowladdan ay tahay midda ugu nasiibka badan balse ay awoodi waday inay qabato wixii ay qabteen dowladihii ka horreeyay ee C/qaasim iyo C/llaahi Yuusuf ay horkacayeen.
"Xukuumadda hadda jirta markii dalka ay la wareegaysay waxaa gacanta lagu hayay inta badan Gobollada dalka iyo Caasimadda Soomaaliya, inay wax ku kordhiso iska-daaye maanta waxaa la isku haystaa jidka Maka Al-Mukarama oo ah kan keliya ee u furan" ayuu mar kale yiri Xildhibaan Macallin Jiis.
Mudanayaasha kulanka yeeshay oo ay tiradoodu kor u dhaafaysay 50-xildhibaan ayaa intooda badan waxay ahaayeen taageerayaasha xukuumadda, kuwaasoo hadda u muuqda inay dhaliilsan yihiin qaabka howleedka dowladda.
Xildhibaan Max'ed Dhaqane oo isaguna ka mid ahaa mudanayaashii ka hadlay shirka jaraa'id ayaa sheeagy in Madaxda Dowladda ay ku guuldarreysteen inay muujiyaan waxqabad muuqda oo ay shacabku ku farxaan.
"Dowladdu waxba kama qaban dalka marka laga reebo inay afka uun ka sheegato inay tahay dowlad, taasna laguma noqonayo dowlad" ayuu yiri Xildhibaan Dhaqane oo sheegay in madaxda dowladdu ay ku mashquulsan yihiin safarro dibadeed.
Ra'iisul wasaaraha Somalia ayay sheegeen inuu xilligiisa shaqo ay ku egtahay 22-ka bisha soo socota lagana doonayo inuu kalsoonida weydiisto baarlamaanka, haddii kale uusan ahayn Ma'suul dowladeed.
Madaxweynaha Somalia ayay sidoo kale ugu baaqeen inuu joojiyo safarrada dalka dibaddiisa uu ku aadayo, uuna u soo jeesto inuu dalka ka wax ka qabto, haddii uu awoodi waayana uu is-casilo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya