Sabti, 30 January 2010 (HOL)- Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Shiinaha ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay heshiis iskaashi oo la dagaalanka burcadbadeed Soomaaliyeed ah la gashay Quwadaha NATO, si ay qayb uga noqoto la dagaalanka burcadbadeedda.
Go'aanka Shiinaha ayaa lagu soo daabacay Bogga Internet ee ay wasaaradda Gaashaandhigga Shiinuhu leedahay, iyadoo lagu sheegay in heshiiskan uu salka ku hayo go'aanka Qarammada Midoobay ay ka gaartay la dagaalanka burcadbadeedda.
"Shiinuhu wuxuu kaalin buuxda ka qaadan doonaa, sidii lagu ciribtiri lahaa kooxaha afduubka ka geysta gacanka Cadan iyo Biyaha Soomaaliya, kuwaasoo lacago ka qaata maraakiibta ay qabsadaan iyo shaqaalaha la socda" ayaa bayaanka lagu yiri.
Dowladda Shiinaha ayaa waxaa xeebaha Soomaaliya ka jooga afar markab oo kuwa dagaalka ah, kuwaasoo ilaalo ka hayn jiray Maraakiibta ganacsiga ee ku safraya Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, iyadoo dhawaan ay kooxaha Burcadbadeedda ah sii daayeen Markab nooca dhuxusha qaada ah oo dalkaas laga leeyahay.
Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Shiinuhu waxay sheegtay inay kordhin doonto maraakiibta dagaal ee kaga sugan Soomaaliya, iyadoo xustay inay ka hortagi doonaan isku-day walba oo lagu afduubayo maraakiibta halkaas mara.
Sannad walba waxaa biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadan mara 20-markab oo nooca ganacsiga qaadaha ah oo laga leeyahay Shiinaha, kuwaasoo sannadkan 7 ka mid ah la afduubay laguna sii daayay Madaxfurasho lacageed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya