Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya aysan u muuqan kuwo dhamaanaya

Isniin, June 21, 2010 HOL) - Prof. Maxamed Cumar Dalka oo ah Xidhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu marayo meel halis ah marka la eego dagaallada weli sii socda.

Mudane Dalxa oo ku adkeysanaya inuu weli yahay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in Dowladda Soomaaliya ay la furto kooxaha kasoo horjeeda wadahadal si dagaallada socda loo qaboojiyo.

"Dagaallada dalka Soomaaliya ka socda waxay u muuqdaan kuwo aan dhammaad lahayn, waxa keliya ee lagu dhameyn karo sida aan qabo waa in wadahadal lala galo kooxaha hubeysan ee Dowladda dagaalka kula jira" ayuu yiri Prof. Dalxa oo intaas ku daray:

"Shacabkii Soomaaliyeed wuxuu u qabay dalalka dariska ah, waxaana ku haysta dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin in Xuquuqdooda Insaaniyadeed lagu xadgudbo, waxaana tusaale ugu filan Soomaalida warbixinnada looga hadlo xaaladda qoxootiga Soomaalida ee caalamka ku firirsan".

Prof. Dalxa wuxuu sheegay in haddii ay Soomaaliya kusii jirto xaaladda ay hadad ku jirto ay taasi sababi karo in xaaladdu ay isbadasho dhibaatooyinkuna ay sii bataan isagoo sheegay in dhinacyada dagaallamaya ay u turaan Shacabka.

Mar wax laga weydiiyay sida uu arko kudlad dhawaan ay ku dhawaaqeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay inay tahay mid sharci ah oo u adeegaysa in dalka laga saaro dhibaatada uu ku jiro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya