Ururka NUSOJ oo Muqdisho ka furay tababar ku saabsan maamul wanaaggga iyo xuquuqda aadanaha (DAAWO SAWIRRO)


Isniin, June 21, 2010 (HOL) - Ururuka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta Magaalada Muqdisho uga furay 30-suxufiyiin ah oo ka howlgala warbaahinta kala duwan tababar ku saabsan Xuquuqda Aadanaha iyo Maamul Wanaagga.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay NUSOJ ayna maalgelisay Hay’adda Qarammada midoobay ee UNDEF (United Nations Democracy Fund) ayaa wuxuu socon doonaa muddo saddex cisho ah, iyadoo ay furitaankiisa ka qaybgaleen Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Somalia.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wafaafinta dowladda Soomaaliya C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) oo tababarkan furay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in aqoonta suxufiyiinta la kordhiyo, si ay ugu shaqeeyaan sharciyada saxaafadda.


“Waxaan soo dhaweynaynaa tababarkan, waxaana ku boorrinaynaa suxufiyiinta ka qaybgalaya oo ka socda warbaahinta madaxabannaan inay ka faa’iideystaan casharrada tababarka” ayuu yiri C/risaaq Bahlaawi.

Kormeere ka socday Qarammada Midoobay ayaa ka mid ahaa xubnihii furitaanka tababarka goobjoog ahaanta uga qaybgalay, isagoo joogi doona muddada saddexda maalmood ah ee uu tababarku soconayo.

Sidoo kale; Xoghayaha Shaqada iyo Shaqaalaha NUSOJ C/rashiid C/llaahi Xaydar oo isaguna hadall ka jeediyay furintaanka tababarka ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay horumarinta saxaafadda Soomaaliya ee ay waddo NUSOJ.


Suxufiyiinta ka qaybgalaya tababarka ayaa waxay ku faraxsanaayeen tababarkan loo furay, iyagoo muujiyay sida ay ugu baahan yihiin in aqoontooda saxaafadeed sare loo qaado. 

Xiriiriyaha barnaamijyada NUSOJ Max’ed Ibraahim Bakistaan oo isaguna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in tababarkan uu wax weyn ka tari doono tayada suxufiyiinta ee dhinacyada xuquuqda aadanaha iyo maamul wanaagga, taasoo hadda u muuqata in warbaahintu aysan xil iska saarin.

Tababarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo ay NUSOJ u qabato Suxufiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho. Tababarkan ayaa macalimiin ka ahaa Dr. Cabdalla Maxamed oo ka dhiga Sharciga iyo Maamulka Jaamacadda Xamar iyo Aweys Xuseen Shiino oo rug caddaa ah saxaafadeed ah.

Dalka Soomaaliya oo ay ka curatay saxaafad madaxbannaan ayaa waxaa ka jira caburin dhinaca saxaafadda ah, iyadoo koox walba ay doonayso inay saxaafadda ugu adeegto sidii ay rabaan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya