Isniin, Juun 21, 2010 (HOL) - Buugaan ayaa loogu magac daray (Burcad Badeed) ,Waxaana lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday Hotelka Amal Plaza ee magaalada Bosaaso.Waxaa Bandhgii Buugan ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada ,aqoonyahano ,odayaal iyo ardayda wax ka barata jaamacadaha Puntland qaarkood.
Buugaan ayaa ka hadlaya macluumaad badan oo ku saabsan Burcad badeeda iyo sidii ay ku soo bilowdeen,Waxaana Qoray Qoraa Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo C/fitaax Daahir.
Duqa Degmada Bosaso Maxamuud Beeldaaje oo ka hadlay Munaasbadii lagu soo bandhigay buugaaan ayaa sheegay in uu si wanaagsan u akhristay Buugga ,isla markaana uu ka faa,iday macluumaad uusan horay u ogayn oo Burcad badeeda ku saabsan.
Waxaa kaloo uu Duqa Degmada codsaday in lagu daydo qoraaga si mustaqbalka dhow loo helo aqoon badan ,Waxaana uu sheegay in jahliga looga bixi karo aqoon oo kaliya.
C/fitaax Daahir oo ah Qoraaga Buugga(Burcad Badeed) oo ka hadlay munaasbadii lagu soo bandhigyay Buugaasi ayaa sheegay in arimo badan ay ku kaliftay qorista buuggan ,isla markaana la tashi badan uu la sameeyay aqoonyahano badan ka hor inta uusan Qorin.
Qoraaga ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay wax qoraan akhriyaanna oo ka caawin karta in ay hormar gaaraan ,Waxaan uu xusay in Buugaag hor leh uu u soo diyaarin doono Bulshada Soomaaliyeed.
Buugaan (Burcad Badeed) ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay ee laga qoray Burcad badeeda ,Waxaana uu Burcadda uu qoraaga u kala qaaday labo qaybood oo kala ah jariifka iyo kuwa wax afduubta.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya