Isniin, June 21, 2010 (HOL) − Garab Jabahadda ONLF ee uu hoggaamiyo Salaaxuddiin C/raxmaan Macow ayaa sheegay inay heshiis xabbadjoojin ah ay la saxiixdeen Dowladda Itoobiya, kaddib markii ay shir ku yeesheen dalka Jarmalka.
Shir jaraa'id oo uu Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabtay Taliyaha Ciidanka ONLF Xuseen Mursal ayuu ku sheegay in go'aankan ay u qaateen si dhiigga dadka u dhashay Gobolka Soomaalida-Itoobiya ee ay ka dagaalamaan ay u badbaadin lahaayeen.
Heshiiska Xabbadjoojinta ah ayaa soconaya saddex bilood, waxaana uu saxiixiisa ka dhacay dalka Jarmalka 12-kii bishan, kaddib markii ay kulammo ku yeesheen dalkaas xubno ka socday Dowladda Dhexe ee Itoobiya, Dowladda Kililka iyo Jabhadda ONLF.
Guddoomiyaha Jabhadda ONLF Salaaxuddiin C/raxmaan Macow oo wariysi siiyay VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid iyagu la saxiixdeen Dowladda Itoobiya.
Wuxuu sheegay in Jabahadda ONLF aysan kala qaybsanayn oo heshiiskan ay isku raacsan yihiin, iyadoo Jabhadda garab ka mid ah uu hoggaamiyo Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo horay u sheegay inaysan la heshiinayn Xukuumadda Addis Ababa.
Taliyaha Ciidamada ONLF Xuseen Mursal ayaa ugu baaqay dhammaan ciidanka ONLF ee ku sugan gudaha dalka Itoobiya inay joojiyaan dagaallada ayna u hogaansamaan xabbadjoojinta lala galay Dowladda Itoobiya.
Sannadkan horraantiisa ayaa waxay Dowladda Itoobiya heshiis la gashay Jabahadda Midowga Xoreynta ee Soomaali-Galbeed oo ka mid ahayd Jabhadaha dagaala kula jiray, kaasoo ahaa mid xabbadjoojin ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Garab ka mid ah Garabyada Jabhadda ONLF oo sheegay inay heshiis xabbadjoojin ah la saxiixdeen Dowladda Itoobiya
More News
- Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya aysan u muuqan kuwo dhamaanaya
- Dalka Soomaaliya oo Kaalinta 1-aad ka galay daraasad lagu sameeyya dalalka guuldareystay ee Caalamka
- Ururka NUSOJ oo Muqdisho ka furay tababar ku saabsan maamul wanaaggga iyo xuquuqda aadanaha (DAAWO SAWIRRO)
- Buug La Magac Baxay (Burcad Badeed) Oo Lagu Soo Bandhigay Bosaaso
- Sare u kac ku yimid qiimaha la kala siisto Xoolaha Nool ee Suuqyada Magaalada Kismaayo (DAAWO SAWIRRO)
- Maamulka Gobolka Banaadir ee Xisbul Islaam oo amar ku bixiyay inaysan Raggu xiiri karin garka Shaaribkana aysan deysan karin