Maamulka Gobolka Banaadir ee Xisbul Islaam oo amar ku bixiyay inaysan Raggu xiiri karin garka Shaaribkana aysan deysan karin

Isniin, June 21, 2010 (HOL) − Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu farayo Ragga ku nool deegaannada ay maamulaan in garka aysan xiiri karin, sii-deyn karin Shaarbaha.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo shir jaraa'id gallinkii dambe ee shalay oo Axad ahayd ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Raggu aysan sii-deyn karin Shaarbaha aysana xiiri karin garka.

"Wixii maanta ka dambeeya ragga ku nool deegaannada ay Islaamiyiintu ka taliyaan waxaan faraynaa inay ka digtoonaadaan inay garka xiiraan ayna sii daayaan Shaarbaha" ayuu yiri Macallin Xaashi oo intaas ku daray:

"Muddo bil ah ayaan u qabanaynaa amarkan inuu ku dhaqangalo, qofkii jabiya waa la xukumi doonaa si looga abaalmariyo amarka uu jabiyay, waxaana amarkan uu ka mid yahay amarro horay loogu soo rogay dadka Islaamka ah" ayuu yiri Macallin Xaashi.

Haweenka ku nool deegaannada ay ka taliyaan ayuu sheegay inay qaateen amarro dhowr ah oo lagu soo rogay oo ay ka mid yihiin inay xirtaan Xijaabka ayna gaadiidka ka raacaan kuraasta dambe, kuwaasoo uu sheegay inay dhammaantood fuleen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Macallin Xaashi wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkooda uu u fasaxay inay shaqeyso Idaacadda GBC oo ka mid ah Idaacadaha Madaxabannaan ee ka howgala Magaalada Muqdisho, taasoo horay looga joojiyay inay shaqeyso, kaddib markii ay dul fuushay Idaacadda Bar-kulan.

Maamulka Idaacaddan ayaa soo dhaweeyay fasaxa loo siiyay inay dib hwada ugu laabtaan, iyagoo sheegay in mowjadooda laga duqaaday Idaacadda Bar-kulan, iyadoo Macallin Xaashi uu sheegay in Idaacaduhu ay qaateen amarro ay horay ugu soo rogeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya