Kalfadhigii 3aad ee ururka Codka nabad-raadinta Ogadenia

Kalfadhigii 3aad ee uu soo qabanqaabiyey codka nabad-raadinta Ogadenia socdayna dhawr maalmood ayaa sitimaankan lagu soo gabagabeeyey xarunta nabadda & caddaaladda dunida ee ku taala jaamacadda Sandiego.
 
Kalfadhigan ayaa wuxuu kaga duwanaa kuwii hore iyada oo si guud loogu lafa-guray khilaafaadka iyo colaadaha ka aloosan guud ahaan geeska Africa , gaar ahaanna gayiga gobolka Ogaden. 

Codka nabad-raadinta Ogadenia (OVP) oo sanadihii dhawaa si xajmi weyn leh u dardar galisay u ololeynta  qaddiyadda Ogadenia kana soo hoysay guulo taariikhi ah ayaa waxay madasha  nababba & caddaalada dunida (John B. Kroch Institute of Peace and justice) isugu keentay hay’aad caalami ah oo dhamaantood ka warbixiyey  ahmiyadda iyo u heelanaanta raadinta qaranimada Ogadenia. Waxaa ka mid ahaa ururada isugu yimid kalfadhigan:_
     
A-    Hay’adda soo afjaridda khilaafaadka caalamiga ah & nabad dhisidda ( Alliance for peacebuilding)
B-    Wasaaradda arimaha dibadda ee dalkan Maraykanka, xafiiskeeda arimaha Africa .
C-    Machadka daraasaadka & cilmi baadhista ee geeska Africa (Institute for Horn of Africa Studies and Affairs, IHASA).
D-    Hay’adda maaraynta xuquuqda Afrikaanka ( African Rights monitor)
E-     Hay’adda baadigoobka xuquuqda bulshada Ogadenia (OHRC)
F-     Mas’uuliin ka kala socday aqalka sharcidejinta ee maraykanka
G-    Rorry Lineane oo ahayd haweeney ay milatariga Ethiopia bahdileen kana socotay jaamacadda Wisconson, kana warbixisay dareenka ay ka qaadday dulmiga haysta qawmiyadaha ku hoos jira Ethiopia .
H-   Dr. Cali Khalif Galaydh oo ah prime ministerkii hore ee Soomaliya. 
 
Madaxa codka Nabad-raadinta Ogadenia, Abdi Mohamoud ayaa ugu horayntii si qoto dheer uga warbixiyey taxanaha taariikheed ee qaddiyada Ogadenia, khilaafaadkii soo jireenka ahaa ee ka dhex aloosnaa Ethiopia iyo bulshada reer Ogadenia iyo ahmiyadda ay leedahay so oaf-meeridda dhibka ka jira gayigaas, wuxuu sidoo kale Mr. Mohamoud muuqaal ahaan u soo bandhigay waxqabadkii iyo wada-shaqayntii uu ururka OVP la yeeshay qaar ka mid ah haw-wadeenada ugu sareeya dalkan Maraykanka.
 
Chik Charles oo ah madaxweynaha hay’adda soo afjaridda khilaafaadka iyo nabad-dhisidda ayaa si mug weyn u lafa-guray mudnaanta ay leedahay inay cid saddexaadi qayb ka qaadato soo afjariida khilaafka siyaasadeed, wuxuu tusaalayn u soo qaatay guushii ay ururkiisu ka soo hooyeen xalkii Ethiopia & Ereteria oo uu isagu madax ka ahaa,
                        
Xamse Warfa oo ah gudooyimaha machadka daraasaynta & cilmi-baarista geeska afrika, kamidna ah asaasayaashii ururka OVP ayaa si cilmiyeysan madasha ugu soo bandhigay xidhiidhka ka dhexeeya asalka dhibka, saamaynta bulsheed ee uu leeyahay iyo xalka meeshuu jiro.


Madaxa xuquuqda bulshada Ogadenia, marwo Fawzia A/kariin ayaa sidii looga bartay ku fara-yaraysatay xanuunka ku tacaddiga xuquuqda umadda Ogadenia.

Masuulka u qaabilsan wasaaradda arimaha dibadda ee maraykanka arimaha Ethiopia ayaa faalo dheer ka bixiyey sida ay uga go’an tahay wasaaradda arimaha dibadda ee maraykanka inay qayb libaax leh ka qaadato soo af-jaridda khilaafkan siyaasi, isaga oo hadalkiisa sii watana wuxuu sheegay inaysan wasaaraddoodu sanad walba ka soo qayb gasheen kalfadhiyada OVP haddaysan daacad ka ahayn qaddiyaddan, warbixintiisa a dibna wuxuu jawaabo talantaali ah ka bixiyey su’aalihii ka imanayey qaybta aqoonyahankii isugu yimid shirkan.
 
Maalmihii xigay ayaa waxay aqoonyahanka Gobolka Ogadenia qaateen wada hadalo iyo doodo dhinacyo badan taabanayey, laguna findhicilayey sidii loo labanlaabi lahaa loona joogtayn laha dadaalka iyo kalfadhiyada noocan oo kale ah ee lagu martiqaadayo ururada  hay’aadka iyo masuuliinta ugu miisaanka culus dalkan maraykanka. Isla markaana loo soo saari lahaa ajandihii ka soo baxay kalfadhigan iyada oo dhamaan isku mid laga noqday in mawqifkani noqdo mabda’ camal daba yaal.
 
Maamulka OVP ayaa dhiniciisa balanqaaday inay labanlaabi doonaan xidhiidhka iyo wargalinta joogtada ah ee ay la yeeshaan xildhibaanada dalkan maraykanka.