Dagaal iyo duqeyn khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khamiis, October 22, 2009(HOL): Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa geeriyootay, 50 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib dagaal iyo duqeyn saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dagaalka iyo duqeynta ayaa bilowday kaddib markii jihada garoonka diyaaradaha Muqdisho ay madaafiic u rideen Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom, sidoo kalena ay weerar ku qaadeen fariisimada Ciidamada Amisom ee ku yaalla Waddada Makka Al-Mukarrama.

Xiliga ay Kooxaha hubeysan jihada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho madaafiicda u tuurayeen waxaa halkaas ka dhoofayay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo saaka ka dhoofay Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay oo ku sugnaa Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku habsaday madaafiic culus oo ay soo rideen Ciidamada Amisom, waxayna dadka ugu badan ku geeriyoodeen gudaha Suuqa Bakaaraha.

Saraakiisha Gaadiidka gurmadka deg degta ah ee Ambulance-ta ayaa waxay sheegeen in madaafiicda saaka lagu garaacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, ayna la’ yihiin qaab ay u kala daadgureeyaan dadka dhaawaca ah tiro badnidooda aawadeed.

Waxay ahayd duqeyntii ugu cusleyd oo saaka loo geystay Dadka ku dhaqan Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxayna saaka Ciidamada Amisom adeegsadeen madaafiic aad u culus oo aaney horay u isticmaali jirin.

Wixii ku soo kordha khasaaraha dagaalka iyo duqeynta saaka ka dhacday Magaalada Muqdisho kala soco halkan haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya