Khamiis, October 22, 2009(HOL): Waxaa Suuq la’aan ku dhacday Ganacsatada ka baayac-mushtarta Dharka Baatiga ah ee ku sugan qaar ka mid ah Suuqyada Magaalooyinka Koofurta Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan maamullada hoosyimaada Xarakada Al-Shabaab.
Magaalooyinka haddii aad geyso dharka Baatiga ah aysan Dumarka kaa iibsaneynin ayaa waxaa ka mid ah qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, Marka, Kismaayo, Magaalooyinka Gobollada Bay iyo Bakool iyo kuwo kale.
Sababtaasna waxay tahay iyadoo Magaalooyinkaas ay ka taliyaan maamullo hoos-taga Xarakada Shababul Mujaahidiin, kuwaasi oo dadka degmooyinkaas ku dhaqan ku soo rogay ammaro ah in ay dumarka Xijaabtaan, isla markaana ay ka fogaadaan in ay xirtaan dharka qafiifka ah ee jirkooda sawiraya.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Dharka Baatiga ah ayaa sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay maamullada Al-Shabaab hoostaga ay ku soo xoogeysteen Koofurta Soomaaliya uu ganacsigooda sii nuxuusayay, haatanna ay qorsheynayaan in ay ganacsigooda u wareejiyaan dhinaca Dharka Jalaabiibta laga tosho ee xooggan.
Marka aad tagto Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka Marka, Kismaayo iyo Baydhabo waxaad arkeysaa Dumarka oo dhamaantood ku labisan Jalaabiib isku joog ah iyo weliba Indho-shareer.
Haweenka u hoggaansamay ammarka ah in ay xijaab qaataan ee ku sugan magaalooyinkaas ayaa badankood waxaa la arkaa marka ay jiraan isu soo baxyada lagu fuliyo xukunnada ku dhaca dadka dembiayda gala iyo isu soo baxyada ay maamulladaas afkaartooda ku gudbiyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya