Khamiis, October 22, 2009(HOL): Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya ayaa saaka xaaladdiisa waxay tahay mid cakiran, waxayna dadkii saaka aroor hore Suuqa u shaqo tegay ay ka soo bixi la’ yihiin guryaha Shubka ah.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa oo aan la xiriirnay ayaa waxay noo sheegeen in saaka aysan jirin wax la yiraahdo Suuqa, isla markaana ay weli qeybo ka mid ah Suuqa ku dhacayaan Madaafiic.
Cakirnaanta Suuqa ayaa timid kaddib markii saaka ay Ciidamada Amisom ku duqeeyeen madaafiic culus, taasi oo geysatay khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jira.
Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa caado u noqotay in la duqeeyo mar kasta oo dagaallo dhexmaraan Ciidamada Amisom iyo Xoogagga ka soo horjeeda iyo weliba marka madaafiic lagu weerarro fariisimada Ciidamada Amisom iyo Xarumaha Dowladda Soomaaliya.
Dhowr jeer oo hore duqeynta Suuqa Bakaaraha loo geysto waxaa u cambaareeyay Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, waxayna mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen in Ciidamada Amisom ay si arxan darro ah u duqeeyaan Suuqa Bakaaraha.
Wixii ku soo kordha xaalka Suuqa Bakaaraha kala soco halka haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya