![]() |
| Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha-Cali Dheere |
Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Amisom ay Suuqa Bakaaraha bartilmaameed ka dhigtaan mar kasta oo la weeraro.
“Arrintan mid ugub nagu ah ma ahan, waxaana mooddaa in ay tahay mid dhaqtar noo qoray, dareenkeenana ma ahan mid caadi ah waana mid aad murugo u leh”ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in isagoo ka wakiil ah ganacsatada uu baaq dareen wada u dirayo Dowladda Mareykanka, Midowga, Afrika iyo IGAD.
“Wax badan ayaan ka cabannay oo aan codsannay in Suuqa laga joojiyo duqeynta, wax la fahmi karana ma ahan in madaafiic waa weyn oo cadaw loogu talagalay lagu garaaco Suuqa Bakaaraha oo ah goob ay dad rayid ah ku ganacsadaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Dheere.
Cali Dheere oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in haddii duqeynta lagu sii wado Suuqa Bakaaraha uu dadka ku ganacsada u dabar go’i doono sida duur-joogtii dabar go’day oo kale, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Hadalka Cali Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka duqeyn xooggan ay Ciidamada Amisom u geysteen Suuqa Bakaaraha iyo xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir.
Inta la xaqiijiyay 17 ruux ayaa ku geeriyootay duqeyntii saaka in ka badan 73 ruuxna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, kuwaasi oo dhaawacyadooda la dhigay Isbitaallada Madiina iyo Dayniile ee Muqdisho ku yaalla.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
