HAY’ADDA WFP WAXAY U DALBAYSAA BALANQAAD AMNI SHAQALEHEEDA KA HOWLGALA KONFURTA IYO BARTAMAHA SOOMAALIYA

 
WAR SAXAFADEED
22da Jannaayo 2009.

NAYROOBI – Hay’adda Cuntada Adduunka ayaa manta sheegtay in ay ka doonayso ballanqaad amni sugan dhamaan maamul goboleedyada iyo kooxaha hubaysan ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya si ay ugu suurtogasho sii wadidda barnaamijka naf-badbaadinta ah  kadib markii la dilay labo shaqaaleheeda ka mid ah.

“Hadafka kaliya ee aan ka leenahay Soomaaliya iyadoo ay hay’adani tahay mid caalami ah oo dhexdhexaadna ah, waa sidii loo ciribtiri lahaa mashaakilaadka dadka Soomaaliyeed,” ayaa waxaa yiri Ku xigeenka sarkaalka hawlgallada WFP Ramiro Lopes da Silva oo Jooga Rome, Xaruunta WFP. “Mana yeeli karno in shaqaaleheena geesiyaasha ahi la bartilimaameedsado,”

Iyadoo la tixraacayo dilkii waxshinimada lahaa ee ay geysteen kooxaha hubaysan 6dii iyo 8dii Janaayo ayaa Lopes Da Silva wuxuu yiri WFP waxay markii hore damacsanayd basle markii dambe go’ansatay in ayna joojinin qaybinta raashinka ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay ka waddo sababtuna ay tahay oo kaliya inay sii kordhineyso baahida dadka dulman ee tabaalaysan xilligan xasaasiga ah ee lagu jiro.

Iyadoo usbuucyada soo socda ay WFP gaarsiin doonto raashimo badan dadka tabaalaysan illa iyo dhamaadka Febraayo ayaa islamarkaana waxay hay’addu ka doonaysaa balanqaad sugan hoggaamiyeyaasha bulshada kala duwan iyo maamuladooda in shaqaaleheeda aan lagu xadgudbin si ay hawshooda u gutaan bilaha soo socda.

“Iyaado laba ka mid ah shaqaalaheena sadex malmood gudohood la dilay ayaan markii hore ku fikirnay in annuu joojino raashin qaybiinta ilaa iyo inta amniigu ka soo reynayo. Balse talaabadani oo kale waxay dhibaato ku tahay dadka annu wax u tarno siiba haweenka iyo caruurta tabaalaysan oo dhib weyn ka haysato dagaalada aan naxariista lahayn,” Wuxuu intaasi raacsiyay Ramiro isagoo yiri sidoo kale in WFP ay ku tala jirto in ay raashiin dhan 57,000 mitrik-tan geyso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya cuntadaas oo ku filan 2.5 milyan oo qof muddo hal iyo laba bilood ah.  

“Waxaanu ka rabna madaxda bulshada in ay ballaanqaad amni na siiyan oo si cad uu qeexaya in shaqalaheena ay si nabad ah howshooda u gudan karaan, “ Intaasi waxaa yiri Lopes Da Silva, “Waxaannu raashin qaybin ka sii waddi doonna qoobaha aannu balanqaad sugan ka helno isla markaasinna annu joojin doonno howlaha annu ka wadno goobaha annu balanqaad sugan ka wayno

Colaadihii ugu xumaa illaa iyo 1991, abaaraha, sicir bararka cunnada iyo shidaalka, iyo waliba barakaca saameeyey in kaban 1 malyan oo qof bilowgii 2007 ayaa sare u qaaday baahida loo qabo gargaar aadaminimo in lala gaaro dad dhan 3.25 milyan ee dalka Soomaaliya - taaso ku dhawdhaw kalabar dadka Soomaaliyeed. Nafaqadarrada ilmaha ka yar shan sano ayaa noqotay mid marwalba ka sarayso xaaladda degdegga ah meelo badan oo wadanka ah.

6dii Janaayo ayaa sadex qof oo soo duubtay wajiga ay ku toogteen Ibraahim Xuseen Ducale oo ahaa Soomaali 44 jir ah, isagoo ku guda jiray kormeer uu kumarayey dugsi ka mid ah dugsiyada ay WFP ku taakulayso barnaamijka quudinta dugsiyada kuna yaal tuulada Yubsan oo lix kilomitir u jirta caasimadda gobolka Gedo ee Garbahaarey. Qof goobjoog ahaa ayaa sheegay in ragani hubaysnaa ay soo abbaareen Ibraahim isaga oo fadhiyey, kadibna ku amreen inuu istaago dabadeedna waa ay toogteen.

8dii Janaayo ayaa sidoo kale rag hubaysani ay toogteen dileenna Maxammed Cumar Macalin oo Soomaali ah 49 jir ahaa isagoo ku guda jirey kormeer uu ku samaynayey raashin qaybin la siinayey dad soo barakacay kuna jira xeryaha dadka barakacay ee ku yaal Koonfurta Muqdisho. Dilkan ugu dambeeyey ayaa wuxuu ka dhigayaa kii afraad ee loo gaysto shaqaalaha WFP tan iyo Agoosto 2008.

Shan kamid ah shaqaalaha qandaraasyada gaadiidka xamuulka  kula jira WFP ayaa la dilay sanadkii 2008. WFP waxay ku celcelinaysaa doonisteeda ah in kooxaha hubaysani ay dhawraan shaqaalaha hay'adaha gargaarka. Kooxda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegaysa in, in ka badan 40 qof oo ka mid ah kuwa u ololeeyo bulshada rayidka ah iyo hay'adaha gargaarka la weeraray, lana dilay sanadkii 2008.


Wixii faafaahin ah fadlan la soo xiriir
Mahamud Hassan Guled
[email protected]
+254 734 800 531