Khamiis, January 22, 2009(HOL): Munaasabad lagu maamuusayay maalinta warfaafinta Soomaaliyeed oo ku beeganeyd 21-ka Janaayo oo shalay ahayd ayaa ka dhacday Hotelka Barakaat ee magaalada Nayroobi.

Munaasabaddan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddiga suxufiyiinta Soomaaliyed ee dibad jooga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (CUSJE), waxaana ka soo qeyb galay Xildhibaano iyo aqoonyahano ku sugan magaalada Nayroobi iyo weriyeyaasha ka soo hayaamay dalka Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay madaxawarfaafinta guddiga Maxamed C/llaahi Aadan (Siidii) oo ka warbixiyay tacdiyada loo geysanayo saxafiyiinta Soomaaliyeed wuxuuna ugu baaqay dhinacayada geysanaya tacadiyadaas ay joojiyaan.

Sahra Maxamuud Koronto (Sahra Keef) Xuseen Qaasim Nuur (Shiikha)
Sidoo kale waxaa halkas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Guddiga suxufiyiinta dibad joogga ah Xuseen Qaasim Nuur (Shiikha) oo halkaas ka akhriyay taariikhda warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan Wargeysyada oo sabab u noqday in maalintaas dartood loogu asteeyay munaasabadda maadaama maalintaas 21-ka Janaayo 1973-kii uu soo baxay wargeyskii ugu horreeyay eek u soo baxa afka Soomaaliga oo ahaa Xiddgta Oktoobar, isgaoo halkas ka sheegay in burburkii dalka kadib ay dalka Soomaaliya ka hano qaadeen wargeyso xor ah aakhirkiina ay gaartay saxaafadda Soomaaliya in ay noqoto mid Caalami ah oo laga daawado shaashadaha.

Waxaa iyagana munaasabadda khudbado ka hadlayay taariikhda warbaahinta Soomaaliya iyo dhibaatooyinka heysta xilligan warbaahinta iyo suxufitiinta Soomaaliya ka jeediyay Sahro Maxamuud Koronto, C/naasir Maxamuud Cumar (Zeero), Saalax Cusmaan (Sonna), Daa’uud Cabdi Daa’uud iyo nin da’ yar oo munaasabadda ka soo qeyb galay una sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya laguna magacaabo Maxamed Axmed Cali.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa, Xildhibaan Cumar Isloow iyo Xildhibaan Cabdi C/lle Siciid Jini Boqor oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo labaduba halkaas ka hadlay ayaa ugu baaqay saxafiyiinta in ay ka shaqeeyaan Nabadda, anshaxana ay ilaaliyaan.
Xuseen Qaasim Nuur (SHIIKHA)
[email protected]
Nairobi, Kenya