Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo Xabsi laga sii daayay

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
Khamiis, 22, Janaayo, 2009 (HOL)  Waxaa maanta xoriyaddiisii dib u helay oo xabsi uu ku xirnaa laga sii daayay Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Maxamed Dheere oo maalmihii ugu dambeeyay ku xirnaa xabsi ay gacanta ku hayaan Ciidamada Itoobiya oo Magaalada Baydhabo ku yaala ayaa markii la soo daayay kadib hadal gaaban oo uu saxaafadda siiyay waxaa uu ku sheegay in ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana uu ku faraxsan yahay in xoriyaddiisa dib u helay.

Maxamed Dheere ayay Ciidamo Itoobiyaan ah ka qabteen guri ku yaala nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, kadib markii uu isaga tegay guri uu ka deganaa Degmada Shangaani, waxaana xarigiisa lagu sababeeyay in uu ka dhego-adeygay amar uga yimid dhinaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in uu soo wareejiyo hub iyo ciidamo uu sameystay intii uu ahaa Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed Dheere ayaa markii uu Saxaafadda la hadlay kadib waxaa uu u duulay dhinaca Magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka qabteen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa magaalada Muqdisho, kuwaasi oo mar uu kala dhaxeyn jiray xiriir wada shaqeyneyd.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia