Odayaal iyo Waxgarad waan-waan ka dhex wada dhinacyadii ku dagaallamay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir

Khamiis, January 22, 2009(HOL): Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan Dadka ku dhaqan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxay bilaabeen dadaallo ay ku joojinayaan dagaallo maalmihii aynu ka soo gudubnay ka dhacayay Degmooyinkaas.

Nabaddoon Xasan Siicow oo ka mid ah Odayaashan iyo Waxgaradkan ayaa sheegay in ay xiriirro la sameeyeen madaxda maamullada Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley iyo Madaxda Jabhul Islaamiya, wuxuuna caddeeyay in ay labada dhinacba soo dhaweeyeen dadaallada xal-doonka ah ee ay wadaan.

Nabaddoonka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay ku howlan yihiin sidii xal loogu heli lahaa dagaal ay dad badan ku dhinteen kuwo kale ay ku dhaawacmeen, kuwana ay ku barakaceen oo dhexmaray xoogag kala taabacsan labada dhinac.

“Ilaa iyo hadda waxay noo sheegeen mas’uuliyiinta labada dhinac in aysan dhinacooda wax xabad ah ka soo dhici doonin, taasina waa arrin mudan in la soo dhaweeyo”ayuu yiri Nabaddoon Siicow oo intaas ku sii daray in haatan wixii ka dambeeya ay u howlgelayaan sidii loo kala qaadi lahaa xoogaggii dagaallamay.

Dagaalkii ka dhacay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley oo socday labo maalmood oo xiriir ah ayaa wuxuu sababay dhimashada dad ka badan 10 ruux, dhaawac intaas ka sii badan iyo weliba barakac ku yimid dad horay ugu soo qaxay degmooyinkaas, kuwaasi oo sii barakacay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia