Khamiis, January 22, 2009(HOL): Maamulka Cusub ee Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhaweeyay in doorashada Madaxwaynaha Somalia ay ka dhacdo dalka gudihiisa.
Madaxwayne ku xigeenka DGPL C/Samad Cali Abshir oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in maamulka Puntland uu taageersan yahay Dowladda Federalka, isla markaana ay haboon tahay in doorashada lagu qabto dalka gudihiisa.
"Ma haboona ogaalkay in Soomaalida mar kasta la isugu yeero meel aan dalkoodi ahayn,waana tan kaliya ee sii xoojinaysa khilaafka Soomalida u dhaxeeya" sidaasi waxaa yiri madaxwayne ku xigeenka Puntland.
Sidoo kale madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in ku daysho ay mudan tahay sidii ay u dhacday doorashadii Puntland ka dhacday, isagoo kula dar daarmay dhinacyda Soomaalida in dhibka laga daayo Umadda Soomaaliyeed.
Maamulka Puntland ayaa la aaminsan yahay in uu taageeri jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya ,waxaana hadalka madaxwayne ku xigeenka ka soo yeeray uu ku soo beegmayaa iyadoo weli aan la dooran madaxwayne hoggaamiya Dalka Soomaaliya.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia