Dowladda Kenya oo sheegtay in ay iska difaaci doonto Xoogagga Al-Shabaab

Khamiis, December 03, 2009(HOL): Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday in ay difaac adag ka geli doonto Xoogagga Xarakada Al-Shabaab ee dhawaan la wareegay gacan-ku-heynta Degmada Dhoobley ee u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, wuxuuna caddeeyay in ay tallaabo ka qaadan doonaan haddii ay isku dayaan in u soo siqaan dhinaca Kenya.

Wasiirka oo u warramayay Taleefashinka K24 ayaa intaas ku daray in Ciidamada Dowladda Kenya ay heegan buuxa ku jiraan, isla markaana ay u diyaarsan yihiin sugitaanka Ammaanka Dalkooda.

Dhanka kalena, wuxuu Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Yuusuf Xaaji uu beeniyay warar beryahan la isla dhexmarayay oo sheegayay in xubno ka tirsan Xisbul Islaam oo ay ka itaal roonaadeen Xoogagga Al-Shabaab ay u soo tallaabeen dhinaca Kenya, wuxuuna warkaas ku tilmaamay mid aan sal lahayn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya