Khamiis, 3, Dec, 2009 (HOL) Dagaalo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen ayaa xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeya xoogaga hubeysan, ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
Weerarro lagu qaaday kulliyadii Jaalle Siyaad iyo Warshadii Kabka ayay dagaalladan ka bilowdeen, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhinacyadu ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha dhashay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaal saakay ka dhacay jidka warshadaha uu sababay dhaawaca haweeney rayid ah, iyadoo dagaalku uu socda muddo gaaban, wuxuuna noqonayaa weerarkii labaad oo lagu qaado saldhigyada tan iyo xalay.
Dagaal kale oo u dhexeeya Dowladda iyo Xarraktul shaabaab ayaa isaguna xalay ka dhacay xaafadda Kax-Shiikhaal ee degmada Dharkeynley, waxaana la arkayay dad fara ku tiris ahaa oo halkaas saakay isaga barokacaya.
Madaafiicda ay kooxahan dagaalamay isweydaarsanayeen ayaa intooda badan ku dhacay goobo cidlo ah, inkastoo ay argagax ku reebeen dadkii ku sugnaa degmooyinka Dayniile iyo Dharkeynley oo ay dagaaladu ka dhaceen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu socday ilaa saqdii dhexe uuna u badnaa madaafiic ay dhinacayadu isdhaafsanayeen, waxaana dagaalkan uu daba socday dagaalo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay jidka warshadaha oo ay dageen ciidamo lagu soo tababaray dalka Ethiopia.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya