Khamiis, 3, Dec, 2009 (HOL) Dadka ku dhaqan qaar ka mid ah Xaafadaha degmada Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay saqdii dhexe ku toosay dhawaaqa Madaafiic iyo Rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ku ku dhaqan Xaafadaha dagaaladu ka dhaceen ayaa sheegay in fariismo ay lee yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay weerar ku soo qaadeen kooxaha Islaamiyiinta ah ee Dowladda ka soo horjeeda, waxaana dagaalka xoogiisu uu ka dhacay agagaarka Xoosh iyo deegaanka Kaxda oo ka wada tirsan degmada Degmada Dharkeenley ee Goballka Banaadir.
Inta la og yahay waxaa dagaalka xalay dhacay ku dhaawacmay afar ruux oo rayid ah kuwaa oo rasaastu ugu tagtay guryahooda, lamana oga khasaaraha rasimig ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalku dhaxmaray.
Degmada Dharkeynley ee xalay dagaalku ka dhacay ayaa maalin ka hor waxaa booqasho ku tagay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo halkaa kula hadlay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan xaryaha Ciidamada Degmada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Dagaal culus oo xalay Degmada Dharkeenley ee Goballka Banaadir ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliy iyo kooxaha ka soo horjeeda.
More News
- Aqoon is-weydaarsi ku saabsan kalsooni-dhisidda Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya oo Kampala ka dhacay (DAAWO SAWIRRO)
- Dowladda Kenya oo sheegtay in ay iska difaaci doonto Xoogagga Al-Shabaab
- Sawirrada Wasiirada ku geeriyooday qarixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif oo shir saxaafadeed kaga hadlay Qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho ee lagu dilay wasiirro ka tiran DFKMG ah
- Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Dhaqaatiir, Wariyayaal iyo Arday ku dhintay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Xarakatul Shabaab oo Muqdisho ka dhacday
- Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Dowladda Soomaaliya oo sheegay in dhawaan Dowladdu is badal ka sameyn doono dhinaca amaanka.